Go’anka Hay’adda WFP ee ku aadan dhimiska Raashinka xiliga Guga

Talaado, 14 July 2009 (HOL): Hay’adda WFP waxay dhib u eegi  doonta raashinka ay siiso dadka ku nool Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya xiliga Guga ee beera goynta socotto bisha Lulyo iyo Agoosto. Sidaa waxaa loo yeelay iyadoo la dhowrayo in ayna soo gaarin dhibaato beralayda iyadoo dalaggu uu soo go’ayo.
 
Mudadaas waxaa la dhimi doona raashinka la siiyo qoysaska waxaana  loo siin doona 50 kiilo meeshi 75 kiilo la siin jiray. Dhimistaas wuxuu samayn doona barnaamijyada kala ah Cunto qaybinta bilaashka ah, quudinta carrurta dugsiyada dhigata, quudinta daaweyntu la socoto iyo quudinta rugaha caafimaadka ee haweenka iyo caruurta ayaa dhimitaankani saameyn doonaa.
 
Dhimistanni waxay saameyn doonta Konfurta Soomaaliya bilaha Lulyo, Agoosto iyo Setembar.
 
Isbedelkani macnihiisa waxaa weeye in WFP ay sii bixin doonto qiima ka badan 75 boqolkiiba nafaqadda raashinka laga helo iyadoo weli qoysaska la siin doona salid, digir iro boorish nafaqa leh.

Talaaboyinka soo socda waxaa laga fulin doona gobolada wax soo saarka leh ee konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
 
Waxaa muddo laba bilood aha (Agoosto iyo Setembar) la hakin doona Barnaamijka Cunto Qaybinta Bilaashka ah ka socotta gobolada wax soo sarka beraha leh ee Gedo, Hiiran, Bay iyo Shabeeladda xiliga suuq gaynta oo la filaayo in qiimaha masago iyo galeyda uu hoos u dhici doono.
 

Hay’adda WFP waxay siin doontaa kala bar raashinkii ay siin jirtey dadka soo barakacay ee ku kala nool xerooyinka Afgooye iyo Baydhaba ugu yeeran muddo laba bilood wixii ka bilowda biisha Lulyo. Sidaa waxaa loo yeelaya iyadoo la filaayo in barakacayaasha ay shaqo iyo badar ba ka heli doonan berra shafidda socota mudadaas.
 
Waxaa sii socon doona taakulaynta raashinka bisili iyo quudin-nafaqeynta leh ee cassimadda Xamar ka socda,iyo taakulaynta dumarka xaamilada , caruurta nafaqa daradu hayso  quudinta ay daaweyntu la socoto oo dhamaan Soomaaliya ka socotta  Waxaa qeybahan oo aad u liita la siin doonaa qoondo dhameystiran bisha Agoosto iyo Setembar.
 
Hay’adda WFP waxaa ka go’an in ay sii bixiso raashin ku filan dadka aad u liita ee ku nool Soomaaliya laakin sidii sanadii hore ma dhici doonto in ay WFP ay bixiso raashin sanadka oo idil. Cadada raashinka ay WFP bixiso waxay la kordhi doonta ama isla dhimi doonta qiimaha rashinku suuqa ka joogo iyo sidii dadka shaqo u helan.
 
Hay’adda WFP markay go’ansanaysay meelaha mudnaanta leh ee gobalada bartamaha iyo konfurta Soomaaliya ee raashinka la siin doono bisha July waxay tix raacday heerka nafaqa darada, awooda wax iibsiga (Farqiga u daxeeya qiimaha lagu iibiyo nefka ariga ah iyo inta lagu gato kiilada masagada), tirade dadka xaalada haliska ku jira, roobabka la helo xiliga guga 2009ka markii loo fiiriyo sanadihii la soo dhafay.
 
Go’aamadanni waxay ku salaysan yihiin codsiya ka yimid maamulada kaas oo ahaa in la yereeyo raashinka faraha badan ee la keenayo xiliyadda dalagu soo go’ayoo si aannu saamayn ugu yeelan beralayda.
 
Hay’adda WFP waxay si taxadar leh ula socon doontaa xaalada waxayna degdeg wax uga qaban doonta haddii xaalad nafaqa darro ah ka soo kororto meel kaasta oo ka mid ah deegamadaas

Mahamud Hassan "Guled"
Senior Public Information Assistant
WFP Somalia.
Mobile:+254 734 800531
Email: [email protected]
[email protected]