Guddiga Taakuleynta Dadka Barakacay oo Deeq Raashin ah gaarsiiyay Dad ku nool Deegaanka Ceel Cirfiid ee Duleedka Muqdisho


Sabti, September 26, 2009(HOL): Guddiga Taakuleynta dadka tabaaleysan ayaa mar 3aad deeq Raashiin iyo Saliid ka kooban gaarsiyey Ceel-Cirfiid oo ay degan yihiin Barakacyaal ka qaxey Magaalada Muqdisho,kuwaas oo u badan kuwii ka qaxey Waqooyiga Magaalada;Qaxootiga Ceel-Cirfiid oo muddo 4 Bilood ah halkaas degan ayaan helin haba yaraatee deeqaha la siiyo dadka ka barakacey magaalada Muqdisho.

Deeqddan Guddiga Taakuleynta gaarsiyey Ceel Cirfiid ayaa loogu talagaley 600 Qoys hase yeeshee dadka Meesha degan oo aad u dhibaateysan ayaa sababtey in la gaarsiyo  2400 oo Qoys oo degan Ceel Cirfiid;iyadoo Raashiinka Meesha la gaarsiyey uu gaarayo 300 Kiintaal oo Badar ah iyo 100 Kartoon oo Saliid ah,Qoys waliba wuxuu heley 14 Shood oo Galley ah iyo Hal Litir oo Saliid ah.

Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta Sheekh Jaamac C/salaan Warsame oo ka warbixinaayey deeqdani meelaha ay ka soo gaartey ayaa sheegey inay guud ahaan Lacagta Qaxootiga Ceel Cifiid ugu talagaleen gaareyso $9440,waxana lacagtaas ku jirta $1000 oo laga soo direy Austaralia  islamarkaasna lagu Dhisayo Dugsi Quraan.

“Lacagaha aan Raashiinka ku iibiney oo aan soo gaarsiney  Qaxootigan ayaa gaareysa  $8440,oo ka kala timid  $4000 waxay naga soo gaartey Jaalliyadda Soomaalida ee Denmark waxaana ku qorneyd oo na soo gaarsiyey C/qani Qorane,$2200 oo naga soo gaartey Dalka Swedan waxana ku qoran C/Jibaar & Xuseen Xasan,$1440 Waxay naga soo gaartey Jaalliyadda Soomalia ee Koonfur Afrika,waxaana ku qoran C/qafaar Yaasiin” ayuu yiri Shiikh Jaamac C/salaam Warsame oo warfidiyeennada la hadlay.

Sheekh Jaamac oo ka Warbixinaya deeqaha soo gaartey intii Guddigooda la dhisey ayuu sheegey inay soo gaartey Lacag gaareysa $17140,waxna loo qeybiyey Qaxootiga kala degan Ceelasha Biyaha,Lafoole iyo Ceel-Cirfiid,Wadaadka oo sheegaya meelaha ay lacagtani ka soo gaartey ayuu sheegey inay u badan tahay Jaalliyadda Soomaalida ee Dibadaha ku nool,waxana dalka Gudihiisa naga soo gaartey buu yiri $950,waxayna naga soo gaartey buu yiri Shirkadda Xawaalladda Qaran iyo Shirkad kale.

Guddoomiyaha ayaa dhaliil weyn u jeediyey Ganacsatada iyo Shirkadaha Soomaalia ee gudaha ku dhaqan inay ka gaabiyeen Taakuleynta dadka tabaaleysan,wuxuna ku boorriyey inay dadkooda kaalmeeyaan;hase yeeshee wuxuu Duco u direy dhammaan jaalliyadaha deeqahan soo gaarsiyey,wuxuna ilaahey uga baryey inuu barakeeyo Oowlaaddooda Maalkooda iyo Naftooda,asagoo u rajeeyey inuu alle ka aqbalo niyaddooda wanaagsan.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Qaxootiga Ceel-Cirfiid Xasan Sakaay Cali oo ka warbixinaayey dhibaatada haysata Qaxootiga ayaa sheegey inaaney kaalmo helin mudadii ay halkaas deganaayeen marka laga reebo Maacuun iyo Timir  yar oo ay soo gaarsiyeen haya’daha ICRC iyo Minhal,wuxuuna u mahad celiyey Guddiga deeqaha iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee deeqdan u soo direy,asagoo ilaahey uga baryey inuu barakeeyo.

Dhinaca kale Isniino Hillaawe Calli oo waayeel ah kana mid Qaxootiga deeqddan qaatey ayaa ku calaacashey dadka wax soo dhiibey ilaahey kheyr ha siiyo hase yeeshee waxan helney waa wax maalmo kooban dabka la saarayo waxayna codsaneysaa in loo soo gurmado ayay hadalkeeda ku soo afjartey.

Qof kasta oo doonaya inuu wax u soo dhiibo dadka dhibaateysan ee Soomaaliya,gaar ahaan meelaha ay ka jiraan Colaadaha iyo Abaaraha waxay guddiga Taakuleynta Lacagaha ugu soo diri karaan Cinwaanada hoos ku Qoran ee Shirkadaha Xawaaladaha.

Muqstaqbal..22502

Dahabshiil..D004783

QaranExpress..115

Amal..4414







Aadan Cusmaan Isaaq
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya