FBI-da Mareykanka oo baareysa Wiil Somali-American ah oo la sheegay in uu ku jiray dhalinyaro isku qarxisay Saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho

Sabti, September 26, 2009(HOL): Saraakiil ka tirsan FBI-da Mareykanka ayaa waxay baarayaan waxa ka jira in wiil Somali-American ah oo reerkiisu degan yihiin Magaalada Seattle ee Gobolka Washington uu ku lug lahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo 17-kii bishan lagu qaaday saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Warsame oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in FBI-da Mareykanka ee ku sugan Magaalada Seattle ay tageen guriga Maxamed Maxamuud si ay u baaraan in Cumar Maxamed Maxamuud oo 18 jir ah uu ku lug lahaa dhalinyaro isku miidaamisay saldhigga ugu weyn ee ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Weerarkaas lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday labo gaari oo la sheegay in horay UN-ka looga dhacay, kuwaasi oo waxyaabo qarxa laga buuxiyay kaddibna lagu qarxiyay fariisinka ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Dugsigii Tababarka Xalane. Halkaas waxaa ku dhintay 21 ruux oo isugu jiray 17 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Amisom iyo 4 ruux oo shacab ah, kuwaasi oo isbitaal ku dhex yaalla fariisinkaas u doontay adeeg caafimaad.

Seddex wiil oo Soomaali ah oo labo ka mid ah ay ka soo jeedaan Magaalada Minneapolis, halka midka kalena uu ka soo jeedo Magaalada Seattle ayaa horay loogu helay dembi ah in ay falal argagixiso ku lug lahaayeen. 20 dhalinyaro ah oo Somali-American ah ayaa la sheegaa in ay Soomaaliya dib ugu noqdeen si ay uga dhinac dagaallamaan xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.

Haddaba haddii uu dhaboobo warkan ku saabsan in Wiil Somali-American ah oo ka soo jeeda Magaalada Seattle uu isku qarxiyay Soomaaliya ayaa wuxuu noqonaya wiilkii labaad oo Mareykanka ka tegay oo qarax ismiidaamin ah oo Soomaaliya ka dhacay ku dhinta.

C/raxmaan Warsame ayaa intaas ku daray in Maxamed Maxamuud ay dad qaraabadiisa ah oo Soomaaliya ku sugan ay ku soo wargeliyeen in wiilkiisa Cumar uu ka mid ahaa dhalinyaro isku qarxisay saldhig Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho aad ayuuna uga xumaaday Maxamed in wiilkiisa uu ku dhinto Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Saraakiisha FBI-da ayaa baaritaan kaddib waxay ka qaadeen Maxamuud dheecaanka Hiido-raaca ee DNA-ga, waxayna kula taliyeen in uu demiyo taleefoonkiisa sababtoo ah waxaa lagu soo qoray mid ka mid ah Website-yada Soomaalida, waxayna intaas u raacisay FBI-da in uusan saxaafadda la hadlin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya