Sabti, September 26, 2009(HOL): Maamulka Walaayada Islaamiga ah ee gobolladani Jubbooyinka ayaa bilaabay xukumadii iyo xadadkii kala gadisanaa ee lagu fulin jirey dadka lagu soo qabto fal dambiyeedyada kala gadisan taasoo awal hore loo hakiyey sababo la xariira bishii barakeysneyd ee Ramadaan ayadoona xukunkii ugu dambeeyey uu galabta ka dhacay fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee bartamaaha magaalada Kismaayo.
Abaare 5tii iyo qadar 30 daqiiqo ah ee shalay galab ayaa fagaaraha weyn ee beerta xoriyada ee bartamaha magaalada Kismaayo waxaa xukun tacsiir ah lagula fuliyey ilaa iyo 3 nin oo dhlinyaro ah kuwaasi oo lagu soo qabtay ayagoo mobile-lada nooca memory galo ka daawanaya filimo iyo aflaan kal;a gadisan oo uu maamulku horey u mamnuucay
Raggani dhalinyarada ah ee ka tirsanaa dadka deegaanka islamarkaana ka koobnaa ilaa iyo 3 nin ayaa waxay 2 ka mid ah maxkamada shareecada islaamka ee dagmada Kismaayo ku xukuntay min 25 jeedal iyo 15 bari oo xarig ah halka kan kalana ay maxkamadu ku xukuntay 20 jeedal oo tacsiir ah iyo 10 bari oo xarig ah waxaana goobta uu xukunkani ka dhacayey ka soo xaadiray kumanaan dad ah o ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo si ay u daawadaan qaabka uu u dhacayo xukunkani tacsiirta ah.Sidoo kalena waxaa fulinta xukunkaas ka soo qeybgalay masuuliyiin iyo xubno sar sare oo ka tirsan maamulk walaayada islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka
Waxaa goobta lagu fulinayay xukunkan ammaankeeda si weyn u adkeynayay cutubyo ka tirsan ciidamaad ammaanka ee maamulka Walaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka, waxaana go’aankii maxkamadda Shareecada Islaamka ee degmadani Kismaayo ay ku xukuntay raggaasi dhalinyarada ah dadweynihii goobtaasi ka soo qeyb galey kaga hor dhawaaqeen mid ka mid ah saraakiisha maxakamada shareecaad islaamka ee gadamadani Kismaayo
Xukunkani galabta lagu fuliyey 3da nin ee dhalinyarada ah ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii aynu soo dhaafney uu maamulku joojiyey xadadkii iyo xukumadii kala gadisnaa ee lagu qaadi jirey dadka lagu soo qabto fal dambiyeedyada kala duwan taasi oo awal loo hakiyey sababo dhinaca Ramadaanka awgiis ah waxaana ay iminka maxkamadu u muuqaneeysaa in ay bilowday howlaheedii shaqo ee ka dhanka ahaa dadka caadeystey isticmaalka waxyaabaha aan waafaqsaneyn ku dhaqanka shareecada Islaamka
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya