Wariye Soomaaliyeed oo ka mid ah Noqday Wariyayaal Abaal-marin Caalami ah lagu siin doono Mareykanka

Sabti, 26, Sep, 2009 (HOL) Guddiga Difaaca Saxafitiinta Adduunka ee CPJ ayaa shaaca ka qaaday magacyada shan Saxafi oo caalami ah oo  ku guuleystay abaal marinta qaaliga ah ee xorriyada saxaafadda ee 2009 International Press Freedom Award.

Saxafiga caanka ah ee Soomaaliyeed ee la yiraahdo Mustafa Xaji C/nuur oo ah Tifatiraha Idaacada Simba ee magaaladda muqdisho, ahna saxafi ka tirsan walaaladda wararka ee AFP  ayaa liiskaas kaalinta 1-aad ka galay, waxayna ku musteysteen hanashada abaal marintaas dadaal dheer oo ay u galeen sidii xorriyadda saxaafadda ee dalalkooda ay u ahaan laheyd mid aan lagu xad gudbin, iyadoo sidoo kale ay ku musteysteen xabsiyo, jir dil iyo hanjabaadyo, taaasoo uga imaanayay dhinacyada siyaasadda ee dalalkooda, hase ahaatee ay u adkeysteen dhammaan dhibabakaas.

Mustafa ayaa noqday saxafigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku guuleysata  abaal marintaas oo sanad kasta ay bixiso CPJ, waxaana tan ay guul iyo macag u tahay dhammaan saaxibadiisa kale ee Soomaaliyeed, iyadoo Mustafa oo xaafiiskiisu yahay magaaladda Muqdisho oo ah meesha ugu halista badan gudaha wadanka Soomaaliya uu jirdil  iyo xarig la kulmay xilli uu ku jiray howlihiisa shaqo maalmeed, iyadoo sidaas oo kale uu la kulmay hanjabaadyo uga yimid kooxo ka soo horjeeday shaqada saxafiyiin Japan u dhashay kuwaasi oo uu la shaqeynayay intii ay Muqdisho joogeen.

“Waxa jira saxafiyiin badan oo  naftooda khatar u galiyay in aan xorriyada iyo madaxbannaanida saxaafadda ee dalalkooda aysan noqon mid afka la qabto” ayuu yiri madaxa guddiga CPJ Paul Steiger.

“Saxafiyiintan abaalmarinta la guddoonsiin doono,  waa kuwa ka dhii-dhiayay caddaalada darrada lagu hayo qiimaha iyo taageerada mabaadiida horumarinta xorriyada saxaafadda, waxayna la kulmeen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin, xabsiyo, han-dadaad, caga-jugleyn  iyo jir dil, hase ahaatee dadaalkoodii uma joojin dhibaatooyinkaas oo dhan, waana u mahadcelineynaa” ayuu xusay madax guddiga fulinta ee CPJ Joel Simon.

Mustafa ayaa u duuli doona xarunta CPJ eek u taalla magaalada  New York ee wadanka Mareykanka 24-ka bisha soo socota ee November halkaasi oo ay ka dhici dooonto xafladda guddoonsiinta abaalmarintaas oo ah mid qaali ah, wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa dhammaan saxafiyiinta waaweyn ee caalamka oo soo xaadiri doona  xafladdaas cashada ah oo ay xiriirin doonto gabadha caanka ah ee Christiane Amanpour oo ah madaxa weriyaasha caalamka  ah ee TV-ga CNN.

Saxafiyinta kale ee abaal marintan la siindoono ayaa kala ah Naziha Rejiba (Tunisia), Eynulla Fatullayev (Azerbaijan), J.J Tissainayagam oo reer Sri Lanka iyo Anthony Lewis oo Ameerican ah.

Isha Warka: Committee to Protect Journalists (CPJ)

Xaaladda Suxufiyiinta Soomaaliyeed-CNN

Faarax Blue
[email protected]