Sabti, 26, Sep, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ku dhawaaqay in Maamulkiisu ku biiray Ururka Mucaaradka ah ee Xisbul Islaam, ayaa ku dhawaaqay sida uu sheegay fariin uu u dirayo Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee ku sugan duleedka Magaalada Beledweyne.
Shiikh C/raxmaan Macow waxaa uu sheegay mar haddii Maamulkiisu uusan aqoosaneyn wax Dowlad lagu magacaabo taasi macnaheedu noqonyo in Goballka aysan joogi karin Saraakiil ku shaqeynaya Magaca Dowladda, waxaana uu intaas raaciyay farriin uu u dirayo Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Tuulada Ceel-gaal.
''Waxaan leeyahay Niman yahow halkan Dowlad lagama aqoonsana, haddii aad Dowladda dan ka leedihii taga goobaha ay joogto, haddii kale ku soo biira Maamulka ka jira Goballka” ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Ibraahim' oo intaa ku sii daray in marka hore uu Odayaal u dirayo Ragga Saraakiisha ah ee ku sugan Tuulada Ceel-gaal.
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee hoostaga Ururka Xisbul Islaam ayaa sidoo kale sheegay in Maamulkiisu diyaar u yahay in uu iska difaacayo colaad kasta oo kaga timaada dhinaca sida uu hadalka u dhigay Ciidamada Itoobiya.
Lama Oga sida farriinta Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ugu dhago nuglaan karaan Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Tuulada Ceel-gaal ee duleedka Magaalada Beledweyne, kuwaas oo marka dhan laga fiiriyo gacanta ku haya cudud Ciidan oo ka badan kuwa taabacsan Guddoomiyaha Goballka Hiiraan.
Saraakiisha Dowladda ee farriita ku socoto ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi, Gen. Muqtaar Xuseen Afrax, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyo Aadan Cabdi Ciise Garaaso oo dhamaatood ka soo horjeeda go'aanka uu qaatay Guddoomiyaha Goballka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan oo ugu baaqay Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Magaalada Beledweyne in ay ku biiraan Maamulkiisa ama isaga tagaan Goballka
More News
- Madaxweyne, War miyaad u heysaa kala-xulashada Warbaahinta ee ka socota Qasriga Madaxtooyada?
- Guddiga Taakuleynta Dadka Barakacay oo Deeq Raashin ah gaarsiiyay Dad ku nool Deegaanka Ceel Cirfiid ee Duleedka Muqdisho
- Boqor C/llaahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku soo laabtay Puntland isagoo loo soo doortay Xoghayaha Guud ee Boqorrada Afrika
- Maamulka Walaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooinka oo xukun tacsiir ah ku fuliyey 3 nin oo dhalinyaro ah
- Dowladda Nigeria oo olole ugu jirta in Waajibaadka loo bedelo Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho
- FBI-da Mareykanka oo baareysa Wiil Somali-American ah oo la sheegay in uu ku jiray dhalinyaro isku qarxisay Saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho
- Wariye Soomaaliyeed oo ka mid ah Noqday Wariyayaal Abaal-marin Caalami ah lagu siin doono Mareykanka