Sabti, September 26, 2009(HOL): Dowladda Nigeria ayaa qaadday olole ku saabsan in waajibaadka loo bedelo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Ojo Maduekwe oo wariyayaal kula hadlay magaalada New York ayaa sheegay in dowladdiisa la tahay in aan arrinta Soomaaliya loo eegin qaab Africa ah, taasi bedelkeedana ay la tahay in qaab caalami ah loo fiiriyo.
“Xaaladda nabad la'aaneed ee ka jirta Soomaaliya waxay khatar ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka guud ahaan, gaar ahaanna midda gobolka sidaas darteed waa lama huraan in dib loo eego waajibaadka ciidamada Amisom, wax ka bedelna lagu sameeyo, si howlaha ay ka hayaan Soomaaliya ay u noqdaan kuwo wax tar leh oo la taaban karo"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Ojo Maduekwe.
Dowladda Nigeria ayaa in muddo ah ka labo-labeyneysa in ciidamadeeda ay u dirto Soomaaliya, waxaana taas ugu wacan waajibaadka ay hadda leeyihiin Ciidamada Amisom oo ku kooban kaliya in ay is-difaacaan marka la soo weeraro.
Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Ojo Maduekwe ayaa sheegay in dowladdiisa ay go’an tahay in ay fuliso ballanqaadkeedi ahaa in ay Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah u direyso Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Mareykanka ay ugu baaqday Dowladda Nigeria in ay Ciidamo u dirto Dalka Soomaaliya oo muddo dheer qas iyo fowdo ku soo jiray, isla markaana dagaallo sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay ay ku dhinteen dad boqolaal kun ah, halka ay ku barakaceen dad kale oo Malaayiin ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya