Nin Lacagta la dhaqo ee Doollarka ah lagu soo qabtay oo Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Garowe (DAAWO SAWIRRO)


Eedeysanaha Lacagta lagu qabtay


Arbaco, October 28, 2009(HOL):Makaxamadda darajada koobaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka waxaa la soo hor taagay nin lagu soo qabtay lacag Black Money ah (Doollarka la dhaqo)  taasi oo uu doonayay  uu geeyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga u ah Puntalnd.
 
Eedaysanaha ayaa Maxkamadda horteeda ka qortay in lacagtaasi uu isagu leeyahay, ganacsigiisa ay ka mid tahay, isla makraana si caadi ah looga isticmaalo Koofurta Soomaaliya

Waxa uuna hadalkiisa sii daba dhigay in uusan u arkin lacagta uu watay mid wax u dhimaysa dhanka ganacsiga iyo nidaamkaba ee ay tahay lacgata Doolarka ah ee lagu dhaqo dawada.
 

Lacagta oo kartoon ku jirta


Eedaysanahan ayaan magiciisa Saxaafada la siin laakiin waxaa loo ogolaaday in ay Sawir ka qaadato alaabta lagu qabbtay, waxaana la soo bandhigay lacagtii lagu qabtay inta ahayd oo uu isagu ku sheegay in ay ahayd 180,000$ (Boqol iyo siddeetan kun oo doolar).
 
Maxakamdda ayaa go'aan ku gaartay maadaama uu isagu qirtay in lacagtaasi aysan lahayn ee ay tahay hantidiisa in la fiiriyo waxa uu sharcigu ka qabo lana soo ogaado waxa ay maamulka ka yeelayaan, waxa ayna Makaxamaddu ku dhawaaqday in dib la isugu soo laabto maalmo kaddib isagana xabsiga lagu sii hayo.
 

Intaas, kaddib waxaa Saxaafadda kula hadlay gudaheeda Taliyaha qeybta goblka Nugaal C/raxamaan Abshir (QaanQaan) oo sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee ay ciidamadiisu gacanta ku dhigaan lacag faalso ah oo la doonayay in la geeyo xarunta ganacsiga ee Boosaaso, waxa uuna uga digay in ay ka fogaadaan bulshada reer Puntland falalka caynkan oo kale ah.
 

Waxaa ugu dambayntii isna halkaasi hadal kooban ka yiri halkaasi Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal C/nuur AwJaamac Aw Xuseen oo sheegay in ay Maxakamaddu xiran tahay ninkaasna dib go'aan looga soo gaari doono xukunkiisa.

 Waa markii ugu horaysay ee maamulka Puntland uu gacanta ku dhigo lacag Faalso-Doollar ah oo loo waday magaalada Boosaaso sida uu afkiisa ka sheegay Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal C/raxmaan Abashir oo goob joog ka ahaa halka saaka Maxakmadda lagu soo tagay eedysanahaasi.


Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya