Arbaco, October 28, 2009(HOL): Kaddib kulan magaalada Sanca ee Dalka Yemen ku dhexmaray Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa madaxweynaha Yemen wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay taageerto Dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa si gaar ah wuxuu baaqiisaas ugu diray Dalalka Carabta iyo kuwa Soomaaliya la deriska ah, wuxuuna ka codsaday dalalkaas in ay laba laabaan dadaalkooda ku aaddan in la soo celiyo midnimadii iyo Nabaddii iyo Xasiloonidii Soomaaliya.
“Dowladda Yemen waxba kalama hari doonto taageerada Soomaaliya”sidaas waxaa yiri Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax intii uu socday kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Wakaaladda Wararka Yemen (SABA) oo warkan shaacisay ayaa waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax uu sheegay in amni iyo kala dambeyn laga helo Soomaaliya ay saameyneyso Dalka Yemen iyo guud ahaan Ammaanka Gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa wuxuu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyay Madaxweynaha Yemen, wuxuuna si gaar ah uga hadlay dadaalladii ay Dowladda Soomaaliya sameysay ee ku aaddanaa dhinaca Ammaanka.
Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Shariif shaaca ka qaaday in uu si weyn u qadarinayo dadaalka ay Dowladda Yemen ugu jirto in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu Dowladda Yemen uga mahadceliyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ay martigelisay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya