Arrinta ugu wayn ee nabaddoonka uu xarigaasi ku mutaystay ayaa la sheegay in ay la xiriirto wareysi uu siiyay Idaacadda VOA, kaasi oo uu ku sheegay in Dad ka soo jeeda Gobolka Ogadenia uu Maamulka Puntland u gacan geliyay.
Nabaddoon Af-gaduud ayaa sheegay in ay Nabaddoonno ahaan aad uga xun yihiin arrintaas, isla markaana ay magac xumo u soo jiideyso Ayna Nabaddoono ahaan ka xun yihiin arintaasi, taas oo magic xumo iyo ceeb u soo jiideyso deegaannada Puntland.
Nabadoonka ayaa wuxuu yahay nin aad uga hadla arimaha nabadda, waxaana inta badan lagu arki jiray meelaha ay madaxda Maamulka Puntland shirarka ku leeyihiin isagoo inta badan taaban jiray muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada reer Puntland.
Nabaddoon C/Casiis Afgaduud ayaa wuxuu yahay Afhayeenka Nabaddoonnada Gobolka Bari, wuxuuna si weyn uga dhex muuqdaa Afhayeennada Puntland.
Ilaa iminka ma jirto cid ka hadashay xarigga nabaddoon C/casiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ahaa nabaddoonnada gobolka bari, tan iyo markii saaka xabsiga la dhigay, lamana yaqaano waxa uu xariga Nabaddoonka ka yeeli doono Maamulka Puntland.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
Garoowe, Soomaaliya