Soomaalida ku nool Uganda iyo kuwa doonaya in ay galaan oo il gaar ah lagu eegayo


Madaxweynaha Uganda oo dhex socda Ciidamadiisa

Arbaco, October 28, 2009(HOL): Dowladda Uganda ayaa waxay xoojisay ammaanka dalkeeda, waxayna taas ka dambeysay kaddib markii ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu hanjabtay Dowladaha Uganda iyo Burundi in ay weerari doonto.

Dhamaan xuduudaha laga soo galo Dalka Uganda ayaa ammaankooda si weyn loo adkeeyay, waxayna ammar ku bixisay Dowladda Uganda in si gaar ah loola socda dalka Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganda  iyo kuwa soo galootiga ah.

Kaddib Kulan dhexmaray Hoggaamiyayaasha Soomaalida ku nool Dalka Uganda iyo Hay’adaha Ammaanka Dalkaas ayaa waxay ugu dambeyntii isku af-garteen in la diiwaangeliyo, sawirrana laga qaado Soomaalida ku nool dalkaas, si ay dalkaas u joogaan iyagoo laga warqabo oo aqoonsi leh.

C/llaahi Xasan Rooble oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Soomaalida ku dhaqan Dalka Uganda, kulankaasna ka qeybgalay ayaa sheegay in ay diiwaangelinayaan Soomaalida ku nool Uganda, haddii ay arkaan cid aan diiwaangashaneyn oo dooneysa in ay dhibaato u soo jiidana ay ku wargelin doonaan Ciidamada Ammaanka Uganda.

Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa waxay si weyn uga walaacsan yihiin saameyn xooggan oo ay ku yeelato hanjabaaddii ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u jeedisay Dalalka Uganda iyo Burundi.

Soomaalida badan oo isugu jira Qaxooti, Ganacsato iyo kuwo doonaya in ay meelo kale u dhoofaan ayaa waxay ku nool yihiin Dalka Uganda, gaar ahaan Caasimaddiisa Uganda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Kampala ka sameysantay Xaafad ay Soomaalida degto oo lagu magacaabo Kisenyi, sida ay Kenya uga sameysantay oo kale Islii.

Ugu dambeyntiina, Dalka Uganda ayaa wuxuu yahay dalka labaad ee ay dadka Soomaaliyeed garoonkiisa ka degi karaan iyagoo aan Visa wadan, waxayna Soomaalida Visa-ha laga siiyaa Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala. Dalka kale ee ay Soomaalida garoonkiisa ka degan karaan iyagoo aan Visa wadanna waa Dalka Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya