Ka qeyb qaado dhismaha Masjidka Carabta ee Magalaada Beledweyne (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, 28, Oct, 2009 (HOL)  Waxaa heer gabogabo ah ku dhaw qeybtii hore dhismaha Masjidkii Carabta ee Magaalada Beledweyne oo lagu wado in laga hirgeliyo dhismaha Masjid ka kooban ilaa Saddax dabaq kaddib markii sida ay HOL u sheegeen Guddiga Masjidka dhismihii hore ee Masjidku lahaa uu ku filnaan waayay dadka u soo Tukada.
 
Xaaji Saalim Cumar Jaabiri oo ka mid ah howl-wadeennada dhismaha Masjidka Carabta ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhawaan la soo afjari doono dhismaha hore ee Masjidka oo lagu wado in maalmaha soo socda la shubo, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan loo gudbi doono qeybta labaad taasoo u baahan ayuu yiri in gacan laga wada geysto.
 
Xaaji  Saalim waxaa uu intaas ku daray in baahida ugu weyn ee hadda jirtaa ay tahay mid dhaqaale, waxaana uu ka codsaday dhamaan dadka Muxsiniinta  ah in ay ku darasadaan dhaqaale dhismaha Masjidka maadaama dhismaha Masjidyada yihiin kuwa ugu Ajarka badan ee dhaqaalaha lagu bixiyo.
 
Sidoo kale Xaaji Saalim isaga oo ku hadlaya afka gudiga Masjidka waxaa uu mahad gaar ah u celiyay dhamaan gacanta ka geystay in Masjidku soo gaaro heerka uu hadda marayo haddii ay yihiin Ganacsato, Shaqsiyaad, iyo Jaaliyaddaha, waxaana uu mar kale ku booriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaale, gaar ahaan Jaaliyaddaha dibadda oo uu guddigu ka codsaday in la sii wado dhismaha Masjidka Carabta oo ka mid ah Masjidyada ugu caasan Magaalada Beledweyne.
 
Haddii aad dooneyso in aad gacan ka geysato dhismaha Masjidka Carabta ee Magaalada Beledweyne la xiriir Shirkadda Dahab Shiil qeyteeda Beledweyne ama la xiriir Tel:- 002521-5564002 oo laga helo Maareeyaha shirkadda Dahab Shiil Beledweyne kana mid ah Guddiga dhimaha Masjidka.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]