Arbaco, October 28, 2009(HOL): Maamulka magaalada Gaalkcayo ee hoosyimaada Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Gal-mudug ee ka taliyo Koofurta Magaaladaas in uu ka dambeeyay shaqaaqo ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo taasi oo uu ku dhintay askari ka tirsan Ciidamada Puntland.
Gudoomiyha degmada Gaalkacayo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa sheegay in ay ka danbeeyaan arinta lagu dilay askariga howgalka ku jiray ee ka midka ahaa ciidamadooda qaar ka mid ah ganacsatada Koonfurta magaaladaasi oo ishortaagay howgalka ay ciidamadi halkaasi ka wadeen.
Waxa uu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray in ay Puntland xaq u leedahay in ay howlo ka qabato wadada 30-ka ee kala barta labada maamul, gaar ahaan qeybta xigta iyo Waqooyiga iyo nawaaxigeeda.
Waxa uuna Guddoomye C/raxmaan Maxamuud u sheegay maamulka ka jira Koonfurta magaalada Gaalkacayo in ay ilaaliyaan daris wanaaga isla markaana ay qabsadaan dadka wax ma garatada ah ee qaska ka wada magaalada Gaalkacyo.
Waxaa isna arintaan ka hadalay duqa degmada maamulka Gal-Mudug Xusseen Cabdulle Awcabdi oo arrinka ka soo yeeray Gudoomiyaha maamulka Waqooyiga Gaalkacayo ku sheegay mid uu si kale u fasirtay oo markaasina aysan maamulka Gal-Mudug weerar ku ahayn nabadda Puntland, ayna aad uga xun yihiin wixii shalay ka dhacay bartamaha Suuqa weyn ee Gaalkacyo.
Xusseen Cabdulle waxaa uu hadalkiisa ku daray in ay aad ugala shaqaynayaan nabadda maamulka uu daris wanaaga ka dhaxeeyo oo ayasan cidna wax u dhimi karin nabadda dhextaala sida uu u yiri walaalaha wada dega magaalada Gaalkacyo Konfurteeda iyo Waqooyigeedaba.
Eedayntan ka soo yeertay Maamulka Puntland aya imaanaysa, iyadoo maalintii shalay ahayd uu Askari uga dhintay ciidamada Puntland bartamaha Suuqa weyn ee Gaalkacayo, kaddib markii ay D/hoose ee Puntland ammar ku bixisay in la burburiyo dukaamo sharci darro looga dhistay meel kaabiga ku haysa Waddada kala barta Magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya