Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay fariisimo ka sameysteen Saldhigyada Booliska Howl-Wadaag, Hodan iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho

Sabti, January 03, 2009(HOL): Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo saacadihii aynu ka soo gudubnay lagu arkayay Saldhigyo Boolis oo Muqdisho ku yaala ay yihiin kuwo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

C/raxiin Ciise Caddow oo wax laga weydiiyay sababta ay ula wareegeen saldhigyadaas waxaa uu sheegay in ay tahay in ay sugaan amniga deegaannada ay saldhigyadaas ku yaallaan, “Saldhigyadaas sida cid walba la socoto waxay ahaayeen kuwo loogu adeegi jiray dadka Soomaaliyeed, haatanna dadka ayaan ugu adeegeynaa”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo war-xumo-tashiil ku tilmaamay in iyagoo dhinac raacsan dhinacyada ay u kala baxeen madaxdii maxkamadaha Islaamka ay la wareegeen Saldhigyadaas.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo sii hadalay waxaa uu sheegay in aaney jirin ujeedo gaar ah oo ay la wareegidda saldhigyadaas ka leeyihiin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay doonayaan in ay ammaanka sugaan, isagoo rajeeyay in la mideyn doono xoogagga muqaawamada ah ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Inta uusan hadalkan jeedin C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Ciidamada la wareegay Saldhigyadaas ay ka amar qaataan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Ugu dambeyntiina, la wareegitaanka Seddexdan Saldhig-Boolis ee ay la wareegeen Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay bilaabeen in ay baxaan, iyadoo shalay oo ugu dambeysay ay Muqdisho ka baxeen Ciidamo badan oo watay ku dhawaad 30 gaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa ciidamada  iyo saadkooda xambaara.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia