Sabti, January 03, 2009(HOL): Xildhibaannada Barlamanka DGPL ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kaasi oo guddoomiye u noqonaya Baarlamanka cusub ee shanta sano ee soo socoto sharciga u dejin doona Puntland, iyadoo ay xilkaasi kula tartameen qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka.
Waxaa Guddoomiyaha Baarlamanka loo doortay C/rishiid Maxamed Xirsi oo horay uga mid ahaa 66ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamanka kadib markii uu helay 65 cod oo ka mid ah codadka xildhibaannada.
Guddoomiyaha cusub ee Barlamanka Puntland ayaa ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana doorashadiisa ay meesha ka saaraysaa nidaamkii hore ee awood -qeybsiga, waxaana haatan muuqata in qof walba uu xaq u leeyahay in loo doorto guddoomiyaha Cusub.
Intaasi kadib waxaa si gacan-taag ah loogu codeeyay cida noqonaysa guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Puntland, waxaana ku guulaystay Salaad Xareed oo helay 47 cod, iyadoo uu la tar tamayay Xildhibaan Cabdi Xamiid C/salaan.
Sidoo kale waxaa isna madashaasi loogu codeeyay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yuusuf oo isna loo doortay Guddoomiye ku xigeen, waxayna doorashadaasi u dhacday si nabad galyo ah oo aan buuq lahayn.
Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa iminka la ciir-ciiraysa dadweyne aad u faro badan kuwaasi oo ka kala yimid dunida dacalladeeda si ay goob joog uga noqdaaan doorashada Puntland iyo cidda badelaysa madaxwaynaha hadda talada haya ee Jen Cadde Muuse.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
Baarlamanka cusub ee Puntland oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenno
More News
- Xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliyeed oo ka guuleystay Xulka Qaranka ee dalka Tanzania
- Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Gobolka Sool
- Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay fariisimo ka sameysteen Saldhigyada Booliska Howl-Wadaag, Hodan iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho
- Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo mar kale maanta ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
- labada Mas'uul ee hadda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Addis Ababa ku sugan
- Ciidamo aan heybtooda la garaneyn oo degay Saldhigyo Boolis oo Muqdisho ku yaala
- Qeyb ka mid ah Suuqa Islii ee magaalada Nairobi oo gubatay
- Degmada Guriceel oo xalay bandow ku jirtay
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dadka Gaalkacyo ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan cid kasta oo Nabadda Soomaaliya ka shaqeyneysa
- Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Goballka Gal-gaduud oo u dhaqaaqay dhinaca Xadka