Sabti, January 03, 2009(HOL): Dagaal ayaa maanta mar kale waxaa uu ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkaasina uu la xiriiro dagaallo horay uga dhacay degmadaas.
Dagaalkan oo u dhaxeeya Xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho ah oo gaaraya 7 ruux iyo dhaawac 6 ruux oo kale.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay gebi ahaantood yihiin dhinacyadii dagaalka uu dhexmaray, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo shaacin waxa uu salka ku hayo dagaalkooda.
Dagaalka ka dhacay Degmada Guriceel ayaa wuxuu dib u barakiciyay dad ku barakacay dagaallo horay uga dhacay degmadaas, kuwaasi oo maalmihii aynu ka soo gudubnay bilaabayay in ay dib guryahooda ugu soo laabtaan.
Ugu dambeyntiina dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay ay Degmada Guriceel ku jirtay Bandow ay ku soo rogeen xoogagga gacanta ku haya ee ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia