Sabti, January 03, 2009(HOL): Ciidamo tiro badan oo aan heybtooda (Cidda ay ka amar qaataan) la garan ayaa waxay degeen saldhigyada Booliska Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa waxay qabaan dharka ay dadka shacabka ah xitaan, mana lahan astaan gaar ah oo lagu garan karo, taasi oo muujineysa cidda ay ka amar qaataan.
Saraakiisha ciidamadan hor-kaceysa oo wax laga weydiiyay cidda ay ka amar qaataan ayaa waxay ka gaabsadeen in ay wax faah-faahin ah bixiyaan, waxayna sheegeen in ay saxaafadda la hadli doonaan waqtiyo dambe.
Sidaasoo ay tahay hadana waxaa jirta hadal-heyn ku saabsan in ciidamadan ay hoos-tagaan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana degitaankooda saldhigyadaas lagu fasiray in ay qeyb ka tahay fulinta heshiiskii Jibouti ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Saldhigyada ay Ciidamadan degeen ayaa waxay ahaayeen kuwo ay ka carareen ciidamo boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay la kulmeen weerarro xiriir ah oo keenay in dhowr jeer ay saldhigyadaas la wareegaan xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia