11/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 3 , 2009
Xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliyeed oo ka guuleystay Xulka Qaranka ee dalka Tanzania

Sabti, January 03, 2009(HOL) -Xulka Qaranka K/cagta wadanka Soomaaliya ayaa galabta guul-darro dhabarka u saaray dhigiisa wadanka Tanzania, kaddib ciyaar aad u xiiso badneyd oo galabta labada xul iskaga horyimaadeen Garoonka Nakivubo ee magaaladda Kampala, waxaana ciyaartas ku soo dhammaatay 1-0 guushu ku raacday xulka SOomaaliya.



Weeraryahanka Xulka Qaranka wadanka Somalia, ahna kabtanka xulka Ciise Aadan Abshir ayaa goolka guusha daqiiqadii 13-aad ee qeybtii hore ciyaarta ku hubsaday shabaqa wadanka Tanzania, kaddib markii kubad uu si fiican u koontoroolay uu  dhinac marsiiyay goolhayaha wadanka Tanzania Shacbaan Dihile,  waxaana dhowr jeer isku day aar gudasho ah oo ay sameeyeen ciyartooyda wadanka  Tanzania ay mari waayeen diifaacyada  Somalia Anwar Cali iyo Yaasiin Cali oo hakiyay weeraro dhowr ah oo ka imaanayay  weeraryahanada wadanka Tanzania Henry Joseph iyo Nsajigwa Shadrack.



Tababaraha Xulka Qaranka Maxamed Cabdi Faarax Geella ayaa is bedel xoog leh ee dhinaca weerarka iyo Goolhayaha ah sameeyay, wuxuuna liiskiisa 11-ka ciyaaryahan ee bilowga ciyaarta ka saaray goolhaye C/qaadir Bakiyaa oo guul-daradii Khamiistii xulkeenu kala kulmay wadanka Zanzibar mas'uul ka ahaa, waxaana bedelkiisa galay Khaalid Cali oo galabta si rasmi ah u bad-badiyay xulka SOomaaliya, kaddib markii uu hakiyayay 11 fursadood oo loo filan karay in ay gool yihiin, waxaana Saxafiyiintii iyo saraakiishii ciyaarta galabta daawaneysay ay u aqoon sadeen (Man of the Match) ama ciyaaryaahankii ugu wanaagsanaa dhammaan ciyaartoyda garoonka soo gashay.

5 ka mid ah ciyaartooyd wadankaa dibadiisa ayaa galabta si wanaagsan u ciyaaray, waxaana xidigahaas ka mid ah Ciise Abshir iyo C/rashiid Cadaay oo ka yimid wadanka Norway, Cali Baashi  iyo Axmed Maxamed oo Canada ka soo safray iyo Shiino Yaasiin oo ka yimid magaalada Atlanta ee wadanka Mareykanka, iyadoo ciyaartooydaas ay ciyaareen kubad  macaan oo qancisay guud ahaan taageerayaashii garoonka soo galay.



"Guuss  galabta aan ka gaarnay wadanka Tanzania waxay u dhigantaa double ama in aan laba jeer guuleysanay, waayo wadanka Tanzania taariikh ahaan waa yartahay inta jeer aan ka adkaanay, xilligii dowladda xitaa ma dhici jirin in sidan oo kale aan uga adkaano" ayuu yiri Gool-dhaliye Ciise oo ii waramayay dhamaadkii ciyaarta, wuxuuna sii daba dhigay "ujeedka aan u soo galay safarka dheer ee aan uga imid wadanka Norway waxay tahay difaacida Xulkeyga iyo calankeyga, waxan u soo baxay in aan goolal badan dhiliyo, billow wanaagsan ayayna xulkeyga u tahay guushii manta, insha'allaah ciyaaraha soo socdana waan adkaan doonaa"

"Wadanka Tanzania, waa naga dhaqaale badan yahay, tababar fiican yahay, waxayna heystaan taageero niyad iyo dhaqaaleba leh, eeg wadankeeni waxa ka socdo, 3 sanadood lama ciyaarin horyaalkii K/cagta Soomaaliya, hase ahaatee rag ka rooni ay sameeyeen Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa sababay in ciyaartooydeena ay tababar ku dhawaad sadex bilood ah ku soo qaaten Wadana  Jabuti, taas ayaan keentay in aan guushan gaarno" ayuu sii daba dhigay xidaga Soomaaliya.

Tababare Gelle ayaa isna ii sheegay "aad iyo aayaan ugu faraxsanahay guusha manta xulkeygu uu gaaray, waana guul u soo hoyatay guud ahaan umadda dhibaateysan ee soomaaliyeed, si fiican ayaan iskaga dhicinay Tanzania, waayo ujeedkeena waa in aan wax la qeybsanaa xulalka aan ku wada jirno qeybta A, kubad wanaagsan ayay soo bandhigeen ciyaartooydu, si kasta oo ay ahaatana waxaaan u halgameynaa in aan difaacno wadankeena iyo calankeena"
 
"rajo fiican ayaan ka qabaa in kulanka kale ee soo socda ee Isniinta aan la yeelaneyno wadanka Rwanda aan ka adkaan doono, inkasta oo ay ciyaarayaan kubad aad u heer sareysa, ayna ka mid yihiin wadamada weli ku jira si reeb reerbka koobka Aduunka,  haddana meel ayaan saari doonaa" ayuu hadalkiisaa ku sii daray macallin Geela.

Taageerayaasha Xulka Soomaaliya oo qaarkood ka yimaadeen wadamada Ingiriiska iyo Kenaya iyo kuwa degan magaalada Kampala, ayaa garoonka si fiican u soo camiray, sacab iyo sawaxan iyo erayo ay ka mid ahaayeen "Guuleystayaaloow Gesiyaalbaad tihiin, Waa Jabeene Jabiya iyo iyagoo meerinayay magacyada ciyaartooyda garoonka ku jirtay, waxaana mas'uuliyiinta xiriirka Soomaaliy ee K/cagta gaar ahaan Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Axmed Nuur Xasan C/lle uu taageerayaasha uga mahadceliyay dadaalka iyo taageerada ay  la garab istaaganyihin walaalahood garoonka ku jira, waxaana ciyaartii galabta garoore ka ahaa Cali Faarax uu u dhashay wadanka Jabuti.

Ciyaartooydii galabta qaranka mateshay waxaa ka mid ahaa:- Goolhaye Khaalid Cali (12), Anwar Cali (22), Yasin Cali (5), Xasan Cali (6), Ciise Abshir (9), Cali Bashir (10), Maxamed Cali (13),  Yuu  Cali (11), Axmed Maxamed (17), Shiine Yaasiin (18) iyo C/rashiid Cadaay (20) iyadoo bedel ay ku soo galeen Guuleed Ibraahim (4), Sayid C/lle (14) iyo Ismaaciil Yuusuf (16), halka kursiga keydka ay fadhiyeen C/qaadir Bakiyaa (1), Kaamil Maxamed Isterebto (2), Wacdi Qaasim (7),  C/caziiz Ali (8)  iyo wiilka xiran maaliyadda Numberka 15-aad ee xulka SOomaaliya  Maxamed Cali.

Dhinaca kale ciyaartii 2-aad ee galabbta isla garoonka Nakivubo ka dhacday ee Group-ka waxaa iskaga horyimid wadamada Uganda iyo Zanzibar oo hore uga soo kala badiyay Rwanda iyo Soomaliya, waxaana guud ahaan  ciyaartaas ku soo idlaatay 0-0, waxaa xulalku u kala horeeyaan sidan:-