Sabti, January 03, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee xarunta u ah Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in uu xalay dab ka kacay qeyb ka mid ah Suuqa Islii ee ay Soomaalida ganacsiga xooggan ku heystaan.
Dabka oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn wixii uu ka dhashay ayaa wuxuu baabi’iyay dukaamo ku yaalay Wadada Shanaad ee Islii, gaar ahaan qeybta lagu magacaabo Barako Shoping Moll.
Dukaamada gubtay oo ay Dad Soomaali ah lahaayeen ayaa waxaa lagu iibin jiray Dharka, Kabaha iyo alaabo kale, waxaana halkaas ku hanti beelay ganacsato badan oo shalay inta aysan dukaamadooda guban heystay hanti badan.
Gaadiid dab-demis ah oo u soo gurmaday goobta uu dabka ka kacay ayaa wuxuu suurtageliyay in dabkii la baqtiyo intii uusan ku faafin qeybo kale oo ka mid ah Suuqa Islii, gaar ahaan qeybta Barako Shoping.
Dabka xalay ka kacay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi ayaa wuxuu dad badan oo Soomaaliyeed soo xusuusiyay dab ay ku hanti beeleen ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kaasi oo muddo afar jeer ah oo sanado kala duwan ah ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia