Axad, 27, Dec, 2009 (HOL): Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam ayaa wuxuu ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Beledweyne.
Dad goob joogayaal ah oo HOL la xiriirtay ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalku ka bilawday weerar Ciidamada Dowladdu ku soo qaadeen fariismo ay lahaayeen kuwa Ururka Xisbul Islaam, waxaana kadib halkaas ka bilaawday dagaal leysku adeegsaday noocyda hub oo labada dhinac dhaxmaray, lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan danbe.
Dhinaca kale waxaa soo baxay weerar dheeraad ah oo ku saabsan weerar xalay Saqdii dhexe kooxo sida la sheegay ka wada tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya ku qaadeen farsiin ay lahaayeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam kaasoo ay ku dhaawacmeen Ciidamo ka tiran kuwa Xisbigga.
Aada C/dulle Cawaalle oo ahaa Guddoomiyaha Degmada Maxaas ayaa isaga oo jooga degmada Caabud-waaq u sheegay warbaahinta in dagaalkiisa ahaa mid qorsheysan islamarkaana Ciidamada Xisbul Islaam lagu gaarsiiyay khasaare sida uu hadalka u dhigay culus.
Aadan C/dulle waxaa uu intaa raaciyay in weerarkaasi lagu gubay gadiid kuwa dagaalka ah kuwo kalana lagu kaxeystay, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan rag ay ka dileen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam.
Laakiin waxaa warkaasi beeniyay Madax Amaanka Maamulka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan kaasoo sheegay in werarka lagu soo qaaday ay kagaga dhaawacmeen 4 askari, waxaana uu iska fogeeyay in uu jiro warka ku saabsan in gadiid kuwa dagaalka ah laga gubay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dagaal mar kale ka qarxay duleedka Magaalada Beledweyne
More News
- Xildhibaanno taageeray shir lagu sameynayo maamul goboleed u gaar ah gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya
- Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo sharci-darro ku tilmaamay dastuur looga sameynayo Magaalada Muqdisho
- Afduubayaal haysta markab kuwa dhuxusha qaado ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo la siiyay madax furasho lacageed
- Howlgalo uu ururka Xisbul Islaam ka sameeyay inta u dhexeysa Wanlaweyn iyo Buurhakaba oo lagu qabqabtay Burcad tiro badan
- Guuxa Bulshadda Soomaaliyeed ee Finland (DAAWO SAWIRRO)
- Weerar xalay lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo marayay duleedka Beledweyne iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya weerarkaas