Axad, December 27, 2009(HOL): Afhayeenka Siyaasadda ee Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi dheere) oo maanta saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa dhaliil u soo jeediyay dastuur u sameynta Magaalada Muqdisho ee ay waddo dowladda Soomaaliya.
C/llaahi Dheere ayaa sheegay in dastuurkaas uu yahay mid shacabka Magaalada Muqdisho ku nool lagu kala qaybiyo ayna dabada ka riixayso Ethiopia, isagoo xusay in Gobolka Banaadir dastuur u sameyntiisa ay u taallo shacabka ku nool.
"Soomaaliya oo dhan waxaa dastuur u ah Kitaabka ALLE, sidoo kalena dadka deggan Gobol kasta oo dalka ku yaal waxay leeyihiin sharciyo ay ku dhaqmaan, Muqdisho waxaa sharci u sameynteeda leh dadka u dhashay" ayuu yiri Afhayeenka.
Wuxuu tusaale u soo qaatay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya in dadkiisu ay u sameysteen dastuur, calan iyo xeerar u gaar ah, kuwaasoo aysan wax lug ah ku lahayn dowladda Soomaaliya, sidaas oo kalena looga baahan yahay xukuumadda in sharci u sameynta Muqdisho ay u dayso dadka u dhashay.
"Arrintan waxa wada xubno ka tirsan dowladda, waxayna salka ku haysaa qorshihii caan-baxay ee ahaa Tayda annaa Iska leh taadana kula lihi" ayuu mar kale yiri C/llaahi dheer oo ku hadlayay magaca Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ka furtay Muqdisho Aqoon-iswedaarsi lagu dhisayo dastuur iyo xeerar si gaar ah uu u yeesho Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qaybgalayaan xubno ka tirsan Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir, Sharci-yaqaanno iyo xubno kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya