Afduubayaal haysta markab kuwa dhuxusha qaado ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo la siiyay madax furasho lacageed

Axad, December 27, 2009(HOL): Burcadbadeed Soomaali ah oo haysta markab laga leeyahay dalka Shiinaha iyo 25-shaqaale ah oo la socda ayaa sheegay inay sii daynayaan Markabka, kaddib markii ay heleen qayb ka mid ah lacago madaxfurasho ah oo ay horay u dalbadeen.

Diyaarad nooceedu ahay Helicopter ayay burcabadeeddu sheegeen inay u keentay 4-Milayn oo Dollar oo madaxfurasho ah si ay u siidayaan markabka oo wada xamuul dhuxuleed oo culeyskiisu yahay 76,000-tone.

"Madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 4-Milyan oo Dollar ayaan ka helnay shirkadda Markabka iska leh, waana sii daynaynaa isaga iyo shaqaalihiisa" ayuu yiri mid ka mid ah burcadbadeedda oo lagu magacaabo Xasan.

Ruuxan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in shaqaalaha markabka oo dhammaantood u dhashay dalka Shiinaha inay caafimaad qaabaan, ayna sii daynayaan saacadaha soo socda.

MV De Xin Hai oo ah markabka la siidaynayo ayay kooxaha burcadbadeedda ah ka qabsadeen bishii Oktoobar ee sannadkan bariga Magaalada Muqdisho, isagoo dalka Hindiya u waday xamuulka uu waday oo uu kasoo qaaday dalka South Africa.

Kooxdan burcadbadeedda ah oo markabkan ka qabsaday meel ka baxsan biyaha Somalia 700-Mayl ayaa horay u sheegtay inay doonayaan lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 10-Milyan oo Dollar, balse ruuxa u hadlay kooxdan wuxuu sheegay in heshiisku uu kusoo gabgaboobay 4-Milyan.

Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu haystaaa maraakiib fara badan iyo shaqaalihii la socday, kuwaasoo laga doonayo in laga bixiyo lacago madaxfurasho ah oo kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya