Axad, 27, Dec, 2009 (HOL) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo xalay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari ay la socdeen Ciidamda Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne, goob aan sidaa uga fogeyn saldhig Ciidamada Ururka Xisul Islaam ku leeyihiin halka lagu magacaabo Faaf-gumare ee duleedka Beledweyne.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah Ciidamada Ururka Xisbul Islaam halka qaar ka mid ah dhaawaca Ciidamada Xisbigga la dhigay mid ka mid ah Isbitalada Magaalada Beledweyne, ilaa haddana ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay Mas'uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada.
Kooxaha weerarka geystay ayaa loo maleynayaa in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaa oo maalmihii aynu soo dhaafnayba isku uruursanayay daafaha Magaalada, waxaana weerarkani uu noqonaya kii ugu horeeyay oo si toos ah loogu qaado Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam tan iyo markii ay la wareegeen Maamulka Magaalada Beledweyne.
Wixii warar ah ee ka soo kordha warka ku saabsan weerarka lagu qaaday Ciidamada Xisbul Islaam kala soco halkan .
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online