Xildhibaanno taageeray shir lagu sameynayo maamul goboleed u gaar ah gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya

Axad, December 27, 2009(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Bay iyo Bakool oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa taageeray qorshe lagu dhisayo maamul goboleed u gaar ah Gobollada koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kaasoo ay wadaan mas'uuliyiintii horay looga qabsaday Gobolladaas iyo Xildhibaanno dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Xildhibaan Max'ed Sheekh Cali oo ka mid ahaa mudanayaashii kulankii maanta ka qaybgalay ayaa saxaafadda uga warramay wixii kasoo  baxay kulankooda isagoo sheegay inay taageereen maamulka loo sameynayo 6-da gobol ee koonfurta Soomaaliya ee kala ah Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

"Shirka waxaa ka qaybgalay dhammaan xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada la sheegay in maamulka Federaalka ah loo samenayo, waxaana taageernay qorshaha, kaasoo noqon doona mid gobolladaas u xaara waddo horumareed" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Sheekh Cali.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in 122-mudane oo kasoo jeeda gobolladaas kuna kala sugan dalka iyo dibaddiisa ay taageereen qorshaha, wuxuuna caddeeyay in maamulkaas uu yahay mid waafaqsan nidaamka Federaalka ee ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya

Aadan Max'ed Nuur (Saransoor) oo loo doortay afhayeenka kulanka maamulkaas lagu dhisayo, oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid aasaas ah, balse ay marka hore gacantooda kusoo celinayaan gobolladan oo ay ka taliyaan kooxaha Dowladda kasoo horjeeda.

Qorshahan ayaa la kulmay mucaaradad kaga timid xubno ka mid ah kuwii horay looga qabsaday gobolladaas kuwaasoo uu ka mid yahay Xasan Macallin Axmed (Biikole) oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii Gobolka Bay.

Xasan Biikole ayaa sheegay in marka hore ay tahay in gacanta dowladda lagu soo celiyo degmooyinka iyo gobollada loo sameynayo maamulka, isagoo sheegay in haddii aan taas la sameyn ay maamul u sameynta gobolladaas u muuqato mid la mid ah Shimbirayahow heesa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya