Guuxa Bulshadda Soomaaliyeed ee Finland (DAAWO SAWIRRO)


Axad, 27, Dec, 2009 (HOL)  Xarunta ururka Kanava ee caasimadda Finland Helsinki ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan ay kasoo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, kulankan oo ah kiin uu horeeyey ee noociisa ah ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda aadka u adag ee uu wadankii hooyo ku jiro iyo waajibka ka saaran qurbo joogta sidii ay xaaladaas wax ka badeli taankeeda uga qayb qaadan lahaayeen, gaar ahaan reer Finland.

 

Kulankan waxaa soo agaasimay isla Ururka xaruntiisa lagu shirayey ee Kanava wuxuuna u dhacay sidan:

 

Kulanku wuxuu ku dhacay jawi aad u heer sareeya oo aad uga qiireysiiyey dadkii kasoo qaybgalay, shirkii markii la furay ka dib waxaa lasoo bandhigay filim gaaban oo ku bilowday heestii calanka, waxaa intaas ku xigay, taariikh gaaban sawiraysa sharaftii uu wadanku lahaa markay dowladnimada buuxda aka jirtey ugu dambeyntiina wuxuu filinku kusoo dhamaaday dhibaatada iyo rafaadka wadanka ka jirtey 20kii sano ee dambe iyo xaaladda aadka u murugsan ee uu maanta marayo.

 

Run ahaantii shirkan oo sidaan sheegnayba qiiro aad u heer saraysaa ka muuqatay oo sababtay inay dhamaan kasoo qaybgalayaashii oohinta ceshan waayeen, wuxuu ugu dambayntii wada hadallo badan ka dib kusoo gunaanadmay qodobadan hoos ku xusan:

 

1.In shirarka noocan oo kale ah la badiyo oo uusan mid kani noqon agoon

 

2.In wacyi galinta la gaadhsiiyo dhamaan bulshada  Soomaalida ee degan Finland iyo weliba dalalka kale ee deriska

 

3.In laga soo saaro baaq lagu dhalleecaynayo loogana soo horjeeda xaaladda naba xumo ee ka jirta dalkeennii hooyo

 

4.In la abaabulo banaan baxayo looga soo horjeedo falalka insaanimo darrada ah ee ka dhacaya maalinwalba dalkeena cid walbaaba ha samaysee.

 

5.In laga sahqeeyo ka qayqaadashada nabad soocelinta, lagana soo horjeesto cidwalba oo arinkaas wax u dhimaysa

 

6.In lagaarsiiyo dhamaan maasjidda  Finland,si ay uga qayb qaataan wacyigelinta bulshadda ee ku aadan dhinaca nabadda.



 

Abdiaziz Godah

[email protected]