
Isniin, November 24, 2008(HOL): Galabta waxaa wada cayaaray gobolada MUDUG VS BAR, waxayna aheyd cayaartooda mid aad u xiiso badan oo dadweyne faro badan ka soo qeybgaleen, waana labo gobol oo dhinaca Kubadda aad ugu xafiilatama, jecelna in uu midba midka kale ka badiyo.
Ciyaartii labada Gobol dhexmartay waxay qeybtii hore ku dhamaatay 2-2, qeybtii dambena 3-3. groupkan B cayaarihiisu aad ayay u kulul yihiin BARI labo mar ayay cayaartay kuankii hore waxay ka badisay SOOL, galabtana waxay barbaro la gashay MUDUG waxay BARI leedahay 4 dhibcood .
SOOL hal kulan ayay cayaartay waana laga badbaadiyay, MUDUG waxay cayaartay hal kulan oo ay la cayaartay BARI barbaro ayay la gashay. Haddaba groupkan waxaa hadda bannaanka taagan BARI waxaa aad loo sugayaa cayaarta dhexmari doonta TALAADADA MUDUG oo hal dhibic leh iyo SOOL oo aan waxba laheyn, waxaana la sugayaa kii soo bixi lahaa oo labeyn lahaa GOBOLKA BARI.


Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
Cabdi Qani Saciid Carab
[email protected]
Garowe, Somalia