
Isniin, November 24, 2008(HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiinta iyo Tifaftirayaasha 14 ka mid ah Ha’yadaha Warbaahinta ka hawlgala Somaliland. Kuwaas oo ka kala socday Telefishannada, Wargeysyada qaarkood iyo Shabakaddaha Internet-ka.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa ayaa ujeedadiisu ahayd talooyin iyo is-tusaalayn dhex maray Guddoomiyaha UCID iyo Xubnihii Warbaahinta ka socday ee kulankaa ka qayb galay. “Siyaasiyiinta iyo Saxaafadda xidhiidh baa ka dhaxeeya, hase ahaatee ma tashadaan. Ujeedada kulankan ayaa ah sidii aynu u tashan lahayn.” Ayuu yidhi Guddooomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Guddooomiyuhu wuxuu ugu baaqay Warbaahinta dalka in ay hubiyaan waxyaabaha ay qorayaan iyo sidoo kale in ay ka gaabsadaan baahinta waxyaabaha Qabaa’ilka salka ku haya. “Waxa wanaagsan in aad daysaan baahinta Qabaa’ilka oo aydaan idinku dhiirigelinin, sida Suldaan iska hadlaya. Waayo Suldaanku maaha kii Shah (Iran) ee wuxuu guddoomaa oo kaliya go’aanka Beeesha. Hase yeeshee, Suldaan inta uu meel fadhiisto War-Saxaafadeed soo saaraya, ha dhiirigelinina idinku.” Ayuu yidhi Eng. Faysal. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Wixii jira qora, laakiin ha qorina wax aan jirin ama mad-madow ku jira.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo kulankaa kaga hadlay arrimo kala duwan ayaa waxa kale oo uu ka hadlay dib-u-dhaca Diiwaangelinta oo uu sheegay in aan Weeraradii lagu soo qaaday 29/10 oo uu ku tilmaamay qaar aanu Guddoomiye ahaan ilaa hadda aqoonsanin ujeedada ay daarnaayeen aanay dib u dhigin, balse ay Axsaab ahaan iyo Komishan ahaan isla garteen in Agabka kaydka Macluumaadka (Server) la saxo, si aanay Gobolka Hargeysa iyo gobollada kale ee hadhay uga dhicin laba-jeer is-diiwaangelin. “Waxa Diiwaangelintii dib-u-dhigay maaha dhaqaale-xumo, lacag-la’aan iyo Weeraradii dalka ka dhacay toona, balse anaga ayaa nidhi hala dejiyo Server-ka, si aanay dadku is-diiwaangelinta ugu laba-jeer noqonin oo aanay tartan u noqonin. Kulan aanu shalay (dorraad) isugu nimi waxaanu isla garanay in la sii daayo oo ugu dambayn 30-ka bisha ayaanu bilaabaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Guddoomiyaha UCID waxa uu soo jeediyay in Madarasadaha dalka ka jira Sharci loo sameeyo, isla markaana uu dalka ka baxo Wadaadka aan Somaliland ogollayn. “Madarasadaha waa in Sharci loo soo saaraa..Wadaadada ka aan Somaliland ogolayn ha inaga tago, muxuu qabanayaa? Markaa ninka aan ina ogolayn ee ina dhex joogaa wuu ina qarxinayaa.” Ayuu yidhi Faysal. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Wiilka Boosaaso ama ka Muqdisho kaa yeeli maayo aynu Qarxino Boosaaso ama Muqdisho. Balse inagu waxaynu nahay Bulsho baylah ah. Markaa waa inaynu baylahda dalka ka saarnaa.”
Waxaa kale oo uu Guddoomiyaha UCID sheegay in Siyaasiyiin ahaan iyo Somaliland ahaanba cadaalad-darro kala soo deristay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. “Waxaad eegtaan inta waqti ay Somaliland siiyaan ee ay kaga hadlaan iyo Siyaasiyiin ahaan waqtigay na siiyaan.” Ayuu yidhi Faysal.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu difaacay Hay’adda Interpeace ee Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Kharashka Diiwaangelintu u soo igmadeen sida la sheegay Lacagta ay bixinayaan ee Diiwaangelinta. Taas oo uu sheegay in dadka qaar ka mid ahi ay dacaayadeeyaan. “Interpeace waa Hay’ad Caalami ah oo la odhan jiray War-ton Society, waynala bilowday hawsha...iyaga ayaa xitaa Baabuurta rara iyaga oo meel halkan ah ku murmaya oo ay is-haystaan 7-dii qof ee aynu dooranay (Komishanka Doorashooyinka)..Markaa halaga daayo dacaayadda Interpeace.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID kulankaa ka dib waxa uu Shabakadda Wararka ee HOL ku ammaanay habka tebinta Wararka, oo uu sheegay in ay dhexdhexaad ka tahay.
Geesta kale, Xuseen Cabdilaahi Deeqsi oo ka socday Telefishanka Caalamiga ah ee RAADTV, isla markaana ku hadlayay afka Masuuliyiintii Warbaahinta ee kulankaa ka qayb galay ayaa Guddoomiyaha iyo guud ahaan Siyaasiyiinta dalka u soo jeediyay in ay iyagu ka tanaasulaan waxyaabaha khilaafaadka dhalin kara oo uu sheegay in ay hormood ka yihiin. Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID oo ka war bixiyay ujeedada kulanka. 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland