Madaxda sare ee Xukuumadda Federaalka oo dardaaran iyo talooyin siiyay maamulka cusub ee loo sameeyay Gobolka Banaadir

Isniin, November 24, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo ku xigeenkiisa, ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa maamulka cusub ee loo sameeyay Gobolka Banaadir waxay siiyeen talooyin iyo dardaaran ku aadan howlaha hor-yaalla.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in maamulka cusub ee gobolka Banaadir looga fadhiyo in uu wax weyn ka qabto dhibaatooyinka ka jira gobolka Banaadir, wuxuuna intaas ku daray in uu rajo ka qabo in maamulka loo sameeyay Gobolka Banaadir oo ah mid sida uu yiri ay dadka deegaanka soo doorteen uu wax weyn ka qaban doono Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in maamulka cusub ee gobolka Banaadir laga doonayo in dadka gobolka ay dareensiiyaan nabadgelyo iyo nolosha adag ee  ay ku jiraan oo wax iska bedesha, wuxuuna carrabka si gaar ah ugu dhuftay in ay ka tirtirsaan dowladda dhibaatooyin lagu eedeeyo oo ah in aysan waxba ka qaban ammaanka iyo arrimaha fududeynta gargaarka.

Sidoo kalena waxaa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, si buu yiri is-bedel deg deg ah looga dareemo Gobolka Banaadir oo maamullo horay u soo maray aysan waxba ka qaban arrimaha dib u heshiisiinta.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo munaasabaddii lagu doortay maamulka  cusub ee gobolka Banaadir ka hadlay ayaa sheegay in maamulka cusub ee gobolka Banaadir looga fadhiyo in uu dib Muqdisho ugu soo celiyo dadkii ka barakacay, sidoo kalena uu furo furo waddooyin xir xiran oo Muqdisho dhexdeeda ah.

“Haddii aaney arrimahaas waxba ka qaban dadaalkii loo soo galay dhismaha maamulka Gobolka Banaadir oo ay dadka deegaanka soo doorteen wuxuu noqonayaa mid khasaaray”ayuu yiri Axmed C/salaan oo sheegay in madaxda maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ay yihiin kuwo nasiib leh oo ku soo aaday xili ay dib u heshiisiin socota, isla markaana la doonayo in xal loo helo mushkiladaha ka taagan Soomaaliya.

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka heyn doona muddo 4 bilood ah ayaa wuxuu noqonayaa maamulkii ugu horeeyay oo ay soo doortaan wakiillo ka socda Deegaanka, kuwaasi oo lagu soo xulay qaab beeleedka 4.5.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia