Isniin, November 24, 2008(HOL): Iyadoo Dhalinyarada Somaliland dedaallo badan oo ay sameeyeen hore u qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah ayaa Dallada Ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxa uu ka qayb galay Shirka Golaha Dhalinyarada Afrika oo 16-kii ilaa 19-kii bishan ka socday Magaalo-Madaxda Itoobiya ee Addis-Ababa.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen Dhalinyarada dalalka Afrika, isla markaana uu soo qaban-qaabiyay Guddida Afrika ee Dawladda Denmark, ayaa Dallada Ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxa uga qaybgalay Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Golaha sare ee SONYO. Waxaana ujeedada Shirkani ahaa sidii loo heli lahaa Gole dhalinyaro oo metela Dhalinyarada Qaaradda Afrika, si ay uga tashato Qaaraddu waxyaabaha Dhalinyaradu u baahan tahay iyo guud ahaan sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka haysta Dhalinyarada Qaaradda Afrika.
Gudidan Afrika "Africa Commission" waxay ka kooban yihiin 18 xubnood oo ka kala yimi dalal kala duwan, oo ay ka mid yihiin, Ra'iisal-Wasaaraha Denmark (Guddoomiye), Madaxweynaha Tanzania, Raisal wasaaraha jamhuriyada Mozambique, gudoomiye ku xigeenka qaramada midoobay, madaxa midawga Afrika, madaxa bankiga horemarinta ee afrika iyo madax kale. Waxa kale oo shirkan ka soo qayb galay Dr. Rymonde Agosou oo ah madaxa shaqaalaha iyo waaxda dhalinyarada ee xafiisa midawga Africa "African Union", oo ka muujisay siday ugu diyaarka yihiin hawlaha dhalinyarada Afrika iyo sidoo kale madaxa xafiiska dhalinyarada bariga Afrika iyo waliba madaxweyne ku xigeenka dawlada Gambia oo xafladii sagootinka ka soo qayb gashay .
Shirkani muddadii uu socday ayaa Ibraahim Suldaan oo metelayay guud ahaan dhalinyarada Somaliland iyo Dalladda Ururada Dhalinyarada ayaa waxa u suurtogashay in uu la kulmo Madaxweyne ku xigeenka dawlada Gambia AJA DR. ISATOU NJIE-SAIDY. Waxaanu Mr. Suldaan sheegay in uu kala hadlay xaaladda dhalinyarada Somaliland ee waqtigan iyo sidoo kale Xaaladda Somaliland. 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland