![]() |
| Cajabo Maxamed Axmed oo 10 maalmood dhalan |
Markii uu soo shaac baxay xanuunka gabadhan yar ee Sabiga ah ayaa waxaa si weyn isugu xil-qaamay sidii daweyn dibadda ah loogu heli lahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Cabdi Muuse Maaxaay, kaasi oo in muddo ah ku howlanaa sidii uu gurmad caafimaad ugu sameyn lahaa dadka caafimaad darrada heyso ee aan dalka dibaddiisa waxba looga qaban karin.
Maaxaay oo la hadlayay HOL waxaa uu sheegay in uu xiriir la sameeyay Dhaqaatiir ka howlgala Isbitaalka Kijabi oo Nairobi ku yaala kadibna ay ka aqbaleen in ay gabadhan yar qalliin ku sameeyaan, iyagoo sheegay in ay arrinteeda tahay mid wax laga qaban karo haddii si deg deg ah Kenya lagu soo gaarsiiyo.
Intaas kadib Cabdi Muuse Maaxaay oo ay kaalinayaan labo gabdhood oo jooga magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota kuwaasi oo lagu kala magacaabo Caabiyo Ciise iyo Fartuun Xuseen, ayaa waxaa u suurtagashay in ay lacago ka soo uruuriyaan Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minnesota iyo labo wiil oo ku nool Gobolka Texas ee Mareykanka, kuwaasi oo diiday in magacooda la xuso.
Lacagtii ay soo dhiibeen Soomaalida ku nool Gobollada Minnesota iyo Texas waxaa tikidh iyo sahay looga dhigay Ubax Aadan Warsame oo ah Hooyada dhashay Cajabo Maxamed Axmed, waxaana maanta Diyaarad laga saaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in ay amba bixinta gabadhan yar ee burada ku taallo ay ka qeyb-qaateen Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Dalladda Haweenka COGWO, Aamino Aadan Cabdi oo Arrimaha Caafimaadka u qaabilsan COGWO iyo Shamso Cabdi Qayax oo COGWO u qaabilsan Arrimaha Dhaqaalaha.
Sahra Maxamed Axmed oo garoonka Diyaaradaha Muqdisho ugu warameysay HOL waxay mahadcelin u jeedisay Soomaalida ku nool Gobollada Minnesota iyo Texas, kuwaasi oo ay xustay in ay ka damqadeen, una soo gurmadeen gabadha yar ee xanuunsaneysa, waxayna u rajeysay dadkii Lacagtaas soo diray in uu bedel kheyr leh Allaah siiyo.

Ubax Aadan Warsame oo markii ay garoonka ka duuleysay aad u faraxsaneyd waxay sheegtay in u mahadcelineyso Soomaalidii lacagta u soo dirtay iyo kuwii gudaha Dalka Soomaaliya uga gurmaday, waxayna caddeysay in haatan ay niyaddeeda ka wanaagsan tahay sidii ay maalmo ka hor ahayd.
Isbitaalka Kijabi ee lagu daweynta loogu diray Cajabo yarey waxaa horay qalliinno kala duwan loogu sameeyay Dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Caruur iyo Dad waa weyn, kuwaasi oo qaarkood burooyin ku yaalleen, halka ay kuwo kalena ahaayeen kuwo aan lahayn meel ay ka saxaroodaan, waa caruurtee.
Rajada laga qabo in Cajabo Maxamed Axmed oo 10 maalmood dhalan wax laga qabto ma xumo, waxaana la rajeynayaa haddii Alle idmo in ay soo noqon doonto iyadoo caafimaad qabta oo burada ku taalana laga qalay.
Haddaba, ciddii dooneysa in ay wax kala socoto Xaaladda Caafimaad ee Cajabo yarey hala xiriirto Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota ama Cabdi Muuse Maaxaay oo lagala xiriiri karo [email protected].
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
