Isniin, November 24, 2008(HOL):Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobalka Hiiraan ayaa howlgal ay ka sameeyeen wadada isku xirta Degmooyinka Buula-burte iyo Beledweyne waxaa ay ku soo qab qabteen kooxo burcad ah oo maalmihii ugu danbeeyay dhibaato ku hayay dadka ku safra wadada isku xirta Goballada dhexe.
Kooxaha Burcadda ah ee la soo qab qabtay oo gaaraya ilaa 9 ruux ayaa loo soo gudbiyay Xabsigga dhexe ee Magaalada Beledweyne, waxaana sida ay sheegeen saraakiisha Maxkamaduhu kooxahan dhawaan la horkeeni doonaan sharciga si loo waafajiyo wax shareecadu ka qabto falka lagu soo qabtay.
Howl-galka oo ahaa kii ugu horeeyay oo baaxadaa leh isla markaana laga fuliyo wadada dhaxmarta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan Gobalka iyo waliba gadiidka ku Safra, kuwaa oo sheegay in tallaabada ay qaadeen Ciidamada Maxkamaduhu muujineyso sida ay uga dhab tahay wax ka qabashada arrimaha Nabad-galyada.
Markii ay la wareegeen Gobollada Gal-gaduud, Hiiraan, iyo Shabeelada dhexe Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxaa si weyn u yaraaday weerarradii kooxda Burcaddu ku qaadi jireen gaadiidka Safarka.
Dhinaca kale Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Beledweyne ayaa xukun karbaash ah ku fuliyay Wiil dhalinyaro ah oo sida lagu eedeeyay kufsi kula kacay gabar dhaliyaro ah, walow Wiilka dhaliyarada ah ee la karbaashay uu sheegay in uusan kufsan gabadha laakiin ay raali ku wada ahaayeen falka lagu aadeeyay, hase ahaatee gabadha ayaan wax Xukun ah lagu fulin maadaama sida ay sheegtay uu kufsaday wiilkaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobalka Hiiraan oo howlgal ku soo qab qabtay Burcad jidgooyo u tiilay
More News
- Nasiib wanaag Cajabo Maxamed Axmed oo 10 maalmood jir ah waxay heshay daweyn Dibadda ah
- Ciyaaraha Kubadda Cagta is-reebka Gobollada Dalka oo Garowe si xiiso leh uga socda
- Meydka Faarax Sendiko oo Maanta la geeyay Muqdisho berri-na lagu aasayo
- Gobolka Banaadir oo loo sameeyay maamul cusub oo ay soo doorteen Wakiillo ka socda Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir
- Madaxda sare ee Xukuumadda Federaalka oo dardaaran iyo talooyin siiyay maamulka cusub ee loo sameeyay Gobolka Banaadir
- Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Masuuliyiinta Ha’yadaha Warbaahinta ka hawlgala Somaliland?
- Somaliland oo ka qaybgashay Shirka Dhalinyarada Qaaradda Afrika