Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Mareykanka ku sugan



Isniin January 14, 2008(HOL):  Weftigii uu hor kacayay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa booqasho ku tegay goobo taariikhi ah oo ka tirsan Magaalada Washington DC iyo agagaarkeeda.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wakiilka Xafiiska Somaliland ee USA Sacad Sh. Cismaan Nuur, ayaa waxa uu u dhignaa sedan;
“Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaain, ayaa Sabtidii, bishuna ahayd 11-01-08 lagu marti qaaday in la soo tuso meelaha taariikhiga ah ee wax ku oolka aah ee Caasimadda Washington DC. iyo hareeraheeda.

Madaxweynaha oo ay horkacayaan ilaalo gaar ah oo Dawladdu Maraykan u qaybisay Weftiga Madaxweynaha Nabadgelyadiisa ayaa la soo mariyey meelo ay ka mid yihiin, Mount Vernon, oo ay ku yaalaan gurigii iyo beertii Madaxweynihii koowaad ee Dalka Maraykanka George Washington, Magaalada Faca weyn ee Alexandria, Togga Potomac ee Magaalada Dhexmara iyo rugta Xuska ee Madaxweynihii hore ee Magaca weynaa Abraham Lincoln,  (Lincoln Memorial) iyo rugta Xuska dadki ku dhintay Dagaalkii Vietnam iyo gobo kale oo muhiima oo ka mida Magaalada Washington DC.

Weftiga oo ka soo degay gegida Diyaaradaha ee , Dulles International Airport, kadib markii ay soo dhammaysteen socdaalkii shaqo ee ay ku joogeen Dalka Boqortooyada Ingiriiska. Waxa Weftiga qolka VIP-ga Madaarka Dulles ku soo dhaweeyay hawlwadeeno ka tirsan Dawladda Maraykanka oo uu horkacayey kal-kaaliyaha ku xiggeenka Wasiirka Khaarajiga ee Dhinaca Africa, Mudane, James Sworn, Saraakiisha habmaamuuska iyo Ilaalada khaashka u ah ilaalinta Madaxda, ( Diplomatic Security).

Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasirka Wasaaradda Caafimaadka, Cabdi Haybe, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane, Axmed Xassan Cali, Wasiir ku Xiggeenka Qorsheynta Qaranka, Mudane, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, waxay gudo gali doonaa kulamadii rasmiga ahaa maalmaha soo socda.”




Barkhad M. Kaariye     Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland