Isniin January 14, 2008(HOL): Waxaa maalintii labaad ku jira Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku yaala Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi iyo Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo Idaacaddaas ka tirsan.
Ciidamo ka tirsan Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shalay subaxnimadii xarunta Idaacadda Somaliweyn ka kaxeysteen Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir, iyadoo saacado kadibna inta loo yeeray la xiray Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Xudeyfi.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan waxa lagu heysto Labadan Wariye oo u shaqeynayay Idaacadda Somaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto Magaalada Muqdisho.
Wariye Xasan Cali Geesey oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacaddaas ayaa sheegay in aysan ogeyn wax loo xiray Wariyayaashooda, isagoo caddeeyay in Idaacaddooda ay tahay mid madax bannaan oo aan cidna u adeegin, “Wallaahi ma naqaano wax loo xiray Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn iyo Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir, weysa soo bixi doonaan waxa ay Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda u xireen”ayuu ku gaabsaday Wariye Xasan Cali Geesey.
Xarigga Wariyayaashan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay horay u xirnaayeen Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariim (IQK) Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow iyo Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo ka tirsanaa Waaxda Warfaafinta Maamulka Gobolka Banaadir, horayna ula shaqeyn jiray Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo degtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo kordhayay tacaddiyada loo geysto Wariyayaasha ka howlagala Magaalada Muqdisho iyo weliba Goobaha Warbaahineed ee ay ka howlgalaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in la xiray Wariyayaal badan, halka muddo kooban shaqadii laga joojiyay Idaacado ka howlagala Magaalada Muqdisho, waxaana dhamaan falalkaas cambaareeyay Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Saxaafadda u dooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia