Isniin January 14, 2008(HOL): Kadib markii uu shalay dagaalka dhexmaray Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa shir deg deg ah isugu yimid golaha Wasiirrada Maamulka Puntland, kuwaasi oo ka arinsanayay dagaalka ka soo cusboonaaday Gobolka Sool.
Shirkaas oo saacado socday ayaa markii uu soo gebageboobay waxaa saxaafadda la hadlay La-taliyaha dhinaca Warfaafinta ee Maamulka Puntland ninka lagu magacaabo Bile Maxamuud Qaboowsade, wuxuuna sheegay in ay shirka ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen.
In Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool ay qeyb ku lahaayeen sida uu u yiri Maxkamadihii Islaamka, Ururka Al-Shabaab iyo Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya, iyadoo taasina uu Goluhu u soo daliishaday in Afhayeen shalay uga hadlay maamulka Somaliland Gobolka Sool oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Faarax (Indha-buur) uu ka mid ahaa Xubnihii ka qeybgalay Shirkii Asmara ee lagu dhisay Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliya.
In Maamulka Puntland Ciidamadiisa lagu soo gardarrooday iyagoo aan wax duullaan ah qaadin, isla markaana ku sugnaa goobo uu maamulka geeyay oo ay difaac kaga jireen.
In Dagaallada gardarada ah iyo Xasuuqa joogtada ah ee Maamulka Somaliland ku hayo Shacabka Sool iyo Cayn ee Maamul Goboleedka Puntland uu horseedi doono, dibna u soo nooleyn doono colaadihii Qabaa’ilka iyo Dagaalladii Sokeeye ee hore looga soo kabtay.
Hadalka ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu dagaal ka dhacay Deegaanka Dhabansaar ee Gobolka Sool, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Somaliland, inkastoo maamulka Puntland uu sheegay in dagaalka uu dhexmaray Dadka deegaanka iyo Ciidamada Somaliland oo duullaan soo qaaday.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo xiligaas wixii ka horeeyay uu ka talin jiray Maamulka Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia