Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxda Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya oo Asmara ku kulmay

Isniin, January 14, 2008(HOL): Dhawaan waxaa shir ku yeeshay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea Madax ka tirsan Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo haatan si weyn ugu howlan sidii dib u heshiisiin looga dhex furi lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda oo uu ka mid yahay Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya Saleebaan Colaad Rooble oo la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in kulankaas uu Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdallah uu madaxda Isbaheysiga u gudbiyay Hindise uu horay ugu gudbiyay Qaramada Midoobay, kaasi oo ahaa in dib u heshiisiin laga dhex furo dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu intaas ku daray in markii Danjire Ahmedou Ould Abdallah laga dhegeystay Hindisaha uu wato isna la hor-dhigay qodobo ay ka mid ahaayeen:

In Ciidamada Itoobiya dalka saaro.

In dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku dhibaateysan duleedyada Muqdisho lala gaaro gurmad deg deg ah.

In Maxkamad Caalami ah la soo taago Dadkii ka dambeeyay tacaddiyo kala duwan oo Soomaaliya ka dhacay.

In Dowladaha Uganda iyo Burundi ay Ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, isla markaana bedelkooda la keeno Ciidamo kale oo Adduunka ka socda

Iyo in markaas kadib ay Dadka Soomaaliyeed wada hadal isugu yimaadaan, dabadeedna ay ka wada hadlaan sidii ay u dhisan lahaayeen Dowlad Qaran.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu sheegay in kulankaas dhexmaray Madaxda Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Mdioobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah uu ku soo dhamaaday jawi is-afgarad leh, isagoo intaasna ku sii daray in loo ballamay kulamo kale oo ay labada dhinac yeelan doonaan, kuwaasi oo looga hadlayo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, dhawaanahan ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu socdo dadaal ay wadaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kaasi oo ku aadan sidii wada hadallo looga dhex furi lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda, walow dadaalladaas ay yihiin kuwo bilow ah oo aan miro-dhal gaarin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia