Guddiga Isboortiga Gobolka Hiiraan oo uu soo kala dhexgalay Khilaaf dhinaca hoggaanka ah

 Isniin January 14, 2008(HOL): Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan ayaa Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn uga dhax-taagnaa khilaaf la xiriira dhinaca Hogaanka kasoo hadda u gudbay Gudoomiyaha Gobalka oo dhinacyada isku u dubiyeen Qoraalo  si bar bar socda oo dhinac walba dhinaca kale ku eedeynayo.
 
Qaar ka mid ah Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan ayaa ku Eedeynaya Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) oo 8-dii sano ee la soo dhaafay ahaa Gudoomiyaha Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan arimo la xiriira  Xil gudasho la'aan iyo waliba in uu ka gaabiyay hor marinta Gobalka Mutadii uu xilka hayay.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo arinta hadda soo fara-galiyay ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya Isportiga in ay qabtaan Doorasho ay ka wada qeyb-qaataan Naadiyada ka dhisay Gobalka si markaa Bahda Isportigu u sameysato hogaan ay raali ka tahay, waxaana uu intaa ku daray in aysan jiri karin cid gaar ah oo iska hortaagnaan karta Isportiga hadii aan raali laga aheyn.
 
Cumar Aadan Deeqow oo hadda ah Gudoomiyaha Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan oo u waramayay HOL ayaa sheegay in mutadii uu xilka hayay uu soo qabtay howlo aan wali horay looga qaban Isportiga Gobalka.
 
waxaa uu sheegay in uu dhisay Naadiyo heerka 1-aad ah oo Gobalka Matali kara waxaana uu intaa ku daray in Cayaartoy ka socta Gobalka Hiiraan u tageen Gobalada Puntland iyo Shabeelada Dhaxe  tar tamo kala duwan,  isaga oo dhan ka kala sheegay in dhowr jeer Cayaartoy ka socta Gobalka Hiiraan ka qeyb-qaateen Siminaaro kor loogu qaadayo tayada Aqooneed ee Cayaartoyga.
 
Mar uu soo hadal qaaday khilaafka soo kala dhax-galay Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan gaar ahaan Eedeymaha loo soo jeedayay waxaa uu yiri "" waa ay dhici kartaa in ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan Bahad Isportiga oo hor marka la gaaray u arka dib u dhac waana soo dhaweynayaa hadii ay soo baxaan shaqsiyaad aniga iiga roon howsha aan hayo in aan wax la qabto.
 
C/laahi Bay oo ka tirsan Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan kana mid ah shaqsiyaadka sida weyn u dhaliilsan Gudoomiyaha Isportiga ayaa sheegay in marka dhanacyo badan la eego la oran karo ma'aha Isportiga Gobalka Hiiraan mid gaaray heerkii loo baahnaa,  Waayo ayuu yiri "" Garoomo dhisno, Isportigii Gobalka waxaa uu u kala xiran yahay Xaafad Xaafad, Ma soo bixin 8-sano ee la soo dhaafay Cayaartoy Tayo leh oo Gobalka Matali kara, intaas oo idilna waxaa ay muujinayaan habacsanaanta ka jirta dhinaca hogaanka ayuu yiri C/laahi Bay.
 
Maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa in la qabto Doorasho Naadiyadu ka qeyb-qaadan doonaan si markaa loo soo doorto gudi Cusub oo matala Isportiga Gobalka Hiiraan kadib markii uu sidaa ku wargaliyay dhinacyada is haya Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
 
Khilaafkan ayaa xitaa marka dhan laga eego Sabab in uu meesha ka baxo Gudoomiyihii Degmada ee Xiriirka Kubada Cagta  Cawil Faqi oo iska casilay xilkii uu ka yahay Degamada Beledweyne.
 
Marka dhab ahaan hoos loo sii eego Isportiga Gobalka Hiiraan gaar ahaan dhinaca Kubada Cagta waxaa kuu soo baxaya in khilaafka hadda jira uu la degan xitaa dhaq-dhaqaaqii iyo Tar-tamadii ka dhici jiray gudaha Gobalka mar hadii aysan jiri Gudi isku daba-rida kana shaqeeya qabashada Tartamo lagu dhisayo Tayada Kooxaha Kubada Cagta ee ka dhisay Gobalka Hiiraan oo laftirkooda hadda la kala safan dhinacyada isku haya hogaanka Isportiga Gobalka Hiiraaan, Lakiin la arki doonee halka arimuhu sal dhigtaan marka la qabto Doorashada lagu balan san yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia