Isniin January 14, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalka oo labo jeer oo xalay ah ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ilaa Isbitaalka Al-Carafaat ayaa midkii koowaad waxaa uu dhacay abaara 6:30 fiidnimo, wuxuuna dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu socday muddo saacad ku dhow.
Lama oga khasaaraha uu dagaalkaas geystay sabab la xiriirta goobta uu ka dhacay oo ay horay uga barakaceen dadkii deganaa aawgeed, walow ay jiraan dad ay waxyeello ka soo gaartay rasaas habow ah oo ugu tagtay guryahooda oo ku yaala Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Labo Saacadood kadib ayaa hadana isla halkii uu dagaalkii hore ka dhacay waxaa mar kale laga maqlay daryanka madafiicda iyo rasaasta yar yar ee ay isku ridayaan dhinacyadii uu u dhaxeeyay dagaalkii hore, kuwaasi oo sida muuqata isku soo rogaal-celiyay.
Wuxuu ahaa dagaal aad u xooggan sida ay sheegeen dad degan Xaafadda Towfiiq oo madaafiicda maqlayay, waxayna labada dhinac isku rideen madaafiic aan horay loo maqlin dhawaqooda, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium-na ay adeegsadeen intii uu dagaalka socday Madfac ay Dadka Muqdisho ku dhaqan u bixiyeen magaca Fooriye sabab la xiriirta in aysan weligood maqlin dhawaqiisa.
Ugu dambeyntiina, saaka markii uu waaga baryaya kadib ayaa Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo ka soo kala baxay Muqdisho Stadium, Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile, inkastoo aan la soo sheegin Cid ay Ciidamada ku soo qabteen Howlgalladaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia