![]() |
| Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo Nairobi ku geeriyooday |
Abwaanka ayaa geeriyooday kadib markii xanuun hayay aawgiis loo dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasi oo uu xalay ku geeriyooday
Abwaanka oo sanadkii 1935 ku dhashay magaalada Gebiley oo dhaxeysa magaalooyinka Borame iyo Hargeysa ayaa wuxuu fanka ku soo biiray Sanadkii 1953-kii, iyadoo waqtigiisa inta badanna ku qaatay magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ka mid ahaa Fannaaniintii iyo Abwaaniintii laf-dhabarka u ahaa Kooxdii Waaberi, waxaana uu sameeyay Ruwaayado iyo heeso badan oo caan baxay, kuwaasi oo aan ka xusi karno Riwaayaddii lagu dhaliilayay Dowladdii Mileteriga ahayd taasi oo ahayd LandCrouser, inkastoo horay uu u ammaanay dowladdaas isagoo u sameeyay heesta ceynaanka haay.
![]() |
| Buug uu qoray Abwaanka oo ka hadlaya Taariikhdiisii Faneed |
Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi waxaa uu sheegay in markii uu Heestaas ka qabtay uu ku yiri u dhiib Saado Cali Warsame bacdamaa sida uu u yiri ay Saado jilista ku wanaagsan tahay, “Saado waa ay diiday in ay heestaas ku luuqeyso, kadibna Abwaanka waxaa uu u dhiibay Nimco Yaasiin, mar uu ii yimid oo uu ii sheegay in ay Saado diiday oo uu Nimco u dhiibay ayaan ku iri Saado iigu yeer, kadibna waxaan ku iri Saado heestan ku luuqee, weyna iga ogolaatay, inkastoo ay markii hore ka baqday”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi.
Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ifka kaga tegay 3 Wiil iyo 5 Gabdhood, waxayna dadka Soomaaliyeed ku xusuusan doonaan dhaxalkii uu uga tegay ee Faneed, kaasi oo uu ku soo koobay buug uu qoray oo la yiraahdo DIIWAANKA HILIN HAYAAN.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

