Darawallada Gaadiidka BL ah ee ka shaqeeya Inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Hotel Jubba oo shaqo joojin sameeyay

Isniin, November 03, 2008(HOL): Darawallada Gaadiidka BL ah ee ka shaqeys inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Hotel Jubba ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin ku dhaqaaqay, iyagoo ka cabanaya lacago aan sharci ahayn oo ay ka qaadaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah Darawallada shaqo joojinta sameeyay ayaa sheegay in shan goobood oo labadaas isgoys u dhaxeysa looga qaado lacag ka badan 60 kun oo shillin Soomaali ah, taasi oo ay ka qaataan Ciidamo Mileteri iyo Boolis isugu jira.

“Waxaan ka codsaneynaa Talisyada ay hoos-tagaan Ciidamadan in ay naga qabtaan Ciidamadan lacagta baadda ah naga qaadaya”ayuu yiri Darawalkan u hadlay gaadiidleyda oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono Askarigii lagu helo isagoo ku lug leh falal sharci darro ah, wuxuuna caddeeyay in ay magaalada ku soo deyn doonaan Ciidamo raadinaya askarta sharci darrada ku dhaqaaqda.

Haddaba iyadoo uu Afhayeenka u hadlay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa soo yeereysa cabasho ka imaaneysa Darawallada Gaadiidka BL ah ee ka dhex shaqeeya Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay Ciidamada ka qaadaan lacag aan sharci ahayn oo sii socod iyo soo socod ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia