Wareysi lala yeeshay Nin Soomaali ah oo laga soo daayay Xabsiga Guantanamo-Bay

Isniin, November 03, 2008(HOL): Maxamed Xusseen Cabdillaahi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Togdheer ee Somaliland oo muddo Todoba (7) sanaddood ah ku xidhnaa Xabsiga Guantanamo bay, ayaa shalay ka soo degay madaarka Magaalada Hargeysa, ka dib markii Maraykanku ka soo daayay Xabsigaa Jimcihii doraad.

Maxamed Xusseen Cabdillaahi oo lagu soo wareejiyay gacanta hay'ada ICRC, si ay u soo gaadhsiiso Somaliland, shalay markii ay madaarka Hargeysa keeneen waxa halkaa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) iyo dad eheladiisa ah. Kuwaasoo ku soo dhaweeyay dalkiisa hooyo oo ay ugu danbeysay 1967-kii.

Hadaba, Maxamed Xusseen Cabdilaahi oo da'ahaan waayeel ah, waxa uu waraysi khaas ah oo uu wargeyska Ogaal la yeeshay kaga hadlay, sidii loo qabtay, sababtii loo qabtay, wixii uu kala kulmay Xabsiga Guantanamo-bay Todobadii sanadood ee uu ku jiray, sidii loo soo daayay iyo duruufaha kale ee guud ahaan ay wadaagaan dadka Xabsigaasi ku sii hadhay ama laga soo daayay.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan;

S/: Maxamed Xusseen, goorma ayaa lagaa soo daayay Xabsiga Guatanamobay?

J/: Jimcihii ayaa xagaa la iga soo qaaday, markaa Maantana (Shalay) waxaan imi Jabuuti, halkaana waxa iga soo qaaday Diyaarad ay leedahay hay'ada ICRC, markaa sidaas ayaan Hargeysa ku imi.

S/: Ma keligaa ayaad ahayd, mise waxa ku wehelinayay cidii xagaa kaa soo qaaday?

J/: Diyaaradii aan xagaa ka soo raacay cid illa socotay ma jirin. Mid turjumaan ahaa oo iyaga u shaqaynayay iyo Naag wax sawiraysay oo iyaga u shaqaynaysay mooyaane, waxa kalena waxay ahaayeen Millateri diyaarada ka shaqaynayay.

S/: Ma wax dambi ah ayaa lagugu waayay oo sidaas ayaa laguu soo daayay,?

J/: Annigu marka horeba, dambi aan galay oo la igu qaatay ma jirin. Gurigayga ayaa la iga qaatay,  Xoolihii guriga yaalay-na way qaateen, Maraykan-baana gurigayga iga qaatay. Markaa, markii ay xagaa I geeyeena wax dambi ah la iguma helin. Laakiin, dadka meesha joogaaba dambi ay leeyihiin ma jirto ee way iska xidhan yihiin. Markaa, hadda waxa jirta in dawlad cusubi ka dhalanayso Maraykan, markaa tii hore waxay doonaysaa bal ceebihii ay ku dhacday inaanay ku dhicin, waxana dhici karaysa in meeshaba la xidho oo dadkaba laga wadda saaro.

S/: Adiga goorma ayaa lagu qabtay, sidee laguu qabtay, halkee lagugu qabtay?

J/: waxa la I qabtay bishii labaad 2002-dii, markaa Bakistan baan joogay, oo aan deganaa 17-sanadood. Ciqaamad ayaanan ku lahaa, xafiiska Laajiyiintana bidaaqad ayaan ka haysay. Markaa, Maraykanku gurigayga ayuun buu iga qaatay, wax alla wax dambi ah oo aan galay oo ay igu qaateena ma jirin. Ilaa maantadana waxaan lahaa uun maxaan sameeyay, maxaad ii soo qabsateen ma jirto.

S/: Imisa sanadood ayaad Jeelka Guantanamo ku xidhnayd?

J/: Ilaa todoba sanadood.

S/: Todobadadaa sanadood maxaad kala kulantay, Xabsigaas?

J/: Dadka dulmi ayaa lagu qaaday, wax wanaag ah oo ay dadka kula shaqeeyaana ma jirto, aad ayay u qalafsan-yihiin, markaa Ilaahay ayaa jira.

S/: Adiga wax Maxkamad ah ma ku saareen?

J/: Waxa jirta, Maxkamad millatari oo meesha ka shaqaysa. Waxa kale oo jirta Maxkamad kale oo dhinaca Maraykanka ku taala oo sare oo doonaysa inay baadho dadka meesha ku xidhan iyo waxyaabaha loo haysto. Markaa taas ayaa sabab u ah inay dadka meesha ka saaraan.

S/: Adiga waxa nagu maqaalo ah in mudo laba sanadood ahba meeshii lagu  geynayay la doonayay, markaa ma xiligaas ayaa lagu sii daayay?

J/: Mudo afar sanadood ku dhaweyd-ba, inaan meesha ka baxo ayay ahayd, hadana intaa wey isii haysteen. Marka horena dambi igumay qaadin, markana dambi igumay helin, markaa sidaa ayuunbay meesha iigu hayeen, hadda ayaanu Ilaahay iga soo saaray.

S: Nin kale oo Soomaali ah oo xidid tihiin ayaa kugula xidhnaa Xabsigaas, hadana waa lagaa reebay oo lama soo deyn isaga, bal ka waran arrintaa?

J/: Maxamuud Saleebaan gurigiisa ayaa laga qaatay, wax dambi ah oo uu galayna ma jirto, intaan aniga la I qabsana meelahaa Laba Bilood ayuu iga horeeyay ayaan u malaynayaa. Ilaa imika wax ay ku haystaan ma jirto. Hadana weli meeshii ayuu ku jiraa, goor la soo deyn doonana Ilaahay ayaa og.

S/: Isaga Maxkamad miyay saareen?

J/: Maxkamadoodu waa Maxkamad Millatari wax macno ah oo ay leedahay-na ma jirto, dambi aanad qabin ayay ku saarayaan, laakiin markaad tidhaahdo cadee dambiga aad igu haysato, waxba kugu cadayn kari maayaan.

S/: Adiga ma argagixisay kugu eedeeyeen?

J/: Wax kasta waa ay kugu eedeynayaan.

S/: Laakiin, haday argagixiso kugu eedeeyeen, hadana markii ay dambi kugu waayeen ku soo daayeen, taas maxaad u aragtaa?

J/: Waxa jira, markii hore dambi aanu galay nagumay qaban, markay na baadh-baadheena dambi nagumay helin. Nimankani, diin-na nagulamay noolaanin, qaanuuna nagulamay noolaanin, waa na qaateen meelbay na saareen, markii danbena waa soco weeye. Laakiin, qofku hadii uu dambi leeyahay,  oo dambigii lagu qaado waa wax macquul ah weeye, hadii dambi lagu waayo oo la sii daayana waa suurtagal. Laakiin, iyaga (Maraykanka) toodu waxa weeye, dambi lahow ama ha lahaanin meeshuunbaa lagugu haynayaa.   

S/: Imisa qof oo kale oo Soomaali ah ayaa hadda ku jira Guantanamobay?

J/: Sadex nin oo kale ayaa ku jira, laakiin dadka kale ee aan Soomaalida ahayni way fara badan yihiin.

S/: Todobadaa Sanadood ee aad jeelkaa ku jirta, waxayaabaha raadka kugu reebay ee aanad Iloobi karayn ee halkaa kaa soo raacay maxaa ka mid ah?

J/: Markay Todoba Sanadood meel igu xidheen, ee ay Gurigaygii baadheen, ee ay reerkaygii iga dhex qaateen, iyagiina cidla kaga tageen maxaa taa ka weyn?

S/: Mar kasta ma Sil-siladaa la idinku xidh-xidhi jiray?

J/: Silsilad waxa iigu dambaysay Diyaarada  aan soo raacay, Silsiladi dhexda ayay igaga xidheen mid lugaha ayay igaga xidhnayd, miday Kursiga iigu xidheen. Waxaas ayay igu wada xidh xidheen.. Intaanu Jeelka ku jiray, mar kasta oo aad Albaabka makhsinkaaga dibada uga baxayso ama aad Dhakhtarka tegayso ama wax lagu weydiinayo, Silsiladaas ayaa lagugu xidhayaa si kale umma baxaysid.
S/: Cibaadada sow idiinmay ogolayn?

J/: Taasi, waa caadi markaad Maqsinkaaga ku jirto, silsiladi kuguma xidhna?

S/: Su'aalihii ugu badnaa ee ay ku weydiin jireen markii baadhistu kugu socotay maxay ahaayeen?

J/: Wax kasta waa ay ku weydiinayaan, maalintaad qufucday maxaad u qufacday, Caruurta hubkaad bari jirteen muxuu ahaa. Al-qaacida ayaad tahay, ninka  haystana waad la kulantaye, maxaad ka wadda hadasheen. Hadaad tidhaa waar lama kulmin, waad la kulantay ayaa lagu odhanayaa, wax walba waa lagu saarayaa.

S/: in halkan lagu keeno ma adigaa codsaday, mise iyagaa khasab kugu keenay?

J/: Annigu waan diiday inaan meel kale qabto oo la igeeyo dal kale, anigaana codsaday in la I geeyo dalkayga oo ku idhi igu celiya.

S/: Hada mar hadaad halkan nabad-gelyo ku timi, maxaad u jeedinaysaa eheladaadii iyo dadkii kale ee ka qayb qaatay sii deyntaada?

J/: Waxaan leeyahay, waan caafimaad qabaa waanan wanaagsanahay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in aan wadankayga wanaag ugu noolaado. Xukuumada Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dhamaan Golaha Xukuumada iyo Golayaasha Baarlamaankana aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaanay iga yeeleen sidii aan filayay oo waa xaqa la isku leeyahay. Sidoo kale, Looyaradii xagaa iiga shaqeeyay iyo looyarada halkan ee gacanta ka geystay arrimahayga iyo dhamaan intii kale ee gacan ka geysatay iyagana waan u mahadnaqayaa.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland