Isniin, November 03, 2008(HOL): Xeebta Magaalada Axwar ee Gobolka Abyan ee Dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay Tahriibayaal Soomaali u badnaa oo tiradooda gaareysay 23 ruux.
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaaliya ee Cadan ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda u sheegay in dorraad doon gaartay Xeebaha Yemen oo waday 89 ruux ay meel xeebta ka fog ku daadisay dadkii ay waday, taasina ay keentay in ay dhintaan 23 ruux oo dadkaas ka mid ah.
“Dadka dhintay waxay isugu jireen Itoobiyaan iyo Soomaali, waxayse u badnaayeen Soomaali, waa sida ay ii xaqiijiyeen dadkii ka soo badbaaday in ay badda ku dhintaan”ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed.
Xuseen Xaaji Axmed oo sii hadlayay waxa auu sheegay in sababta keentay in ay dadkaas dhintaan ay ahayd iyadoo dadkii doonta lagu tahriibayay lahaa ay tahriibayaasha ku daadiyeen meel ka fog xeebta, iyagoo ugu hanjabay in ciddii aan degin ay dib ula noqonyaan kadibna ay bad-weynta ku tuurayaan.
Tahriibayaashan ayaa haddii ay ka badbaadaan in ay Badda ku dhinteen ayaa kuwii diida in ay xerooyinka qaxootiga galaan waxay Magaalada Cadan u lugeeyaan ku dhawaad 400km, oo sida muuqato ah masaafo aad u dheer.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia