Isniin, November 03, 2008(HOL): Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo ka mid Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uusan xilkiisa gudan karin sabab la xiriirta caafimaad darro heysa aawadeed.
Xildhibaanka oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha uusan saacado badan shaqeyn karin, uuna ku shaqeeyo dawooyin uu qaato.
“Marka 1-da duhurnimo la gaaro ma arkeysid madaxweynaha, waxaana dadka doonaya in ay la kulmaan ka hor istaaga gacan-yarayaashiisa iyo ilaaladiisa, xiligaasna waxaa la siiyaa oo uu qaataa dawooyin”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji.
Xildhibaanka oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay madaxweynaha in uu Baarlamaanka hor yimaado, kadibna uu ka warbixiyo xaaladdiisa caafimaad, wuxuuna sheegay in madaxweynaha ay ku adag tahay in uu guto waajibaadka madaxweynenimo ee saaran.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Xildhibaankan oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uu sidoo kale ka sheegay Magaalada Nairobi in madaxweynaha uusan shaqeyn karin seddex saacadood oo xiriir ah, iyadoo taasina uu ka hor istaagay wariye BBC-da ka tirsan oo uu u waramayay, kaasi oo sheegay in madaxweynaha muddo shan saacadood ka badan uu joogay Xaruntii KICC ee ay shirka ku lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Waa markii labaad oo uu Xildhibaankan sheego in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uusan howshiisa u gudan sabab la xiriirta caafimaad darro heysa, iyadoo aaney jirin xildhibaano kale oo ku wehliya hadalkan uu sii daayay labada jeer.
Haddaba Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub-sireed oo wax laga weydiiyay hadalka ka soo yeeray Xildhibaankaas ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan Xildhibaan caadeystay in ay mar kasta madaxweynaha ka fidiyaan warar aan jirin, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaannadaas in ay howshooda gutaan, isla markaana ay iska daayaan warar aan jirin ee ay ka fidinayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku weyn karaan xildhibaannimadooda.
“Haddii xaaladda caafimaad ee madaxweynaha cid wax laga weydiinayo waxaa la weydiin karaa Dhaqaatiirtiisa, laakin waxaan idiin xaqiijinayaa in caafimaadka madaxweynaha uu wanaagsan yahay”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia