Shiikh Shariif oo sheegay in haddii dadkii doortay ay gartaan in ay xilka ka qaadaan uu soo dhaweynayo

Isniin, November 03, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Sharifi Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay in xilka loo dhiibay ka dego haddii dadkii doortay ay sidaas gartaan.

“Aniga markii aan xilkan qabanayay ma jirin cid i qasabtay, aniga ayaa qiyaarkeyga u doortay in aan Umadda u shaqeeyo, hadana haddii Dadkii i doortay ay gartaan in aan xilka ka dego oo ay cid u dhiibtaan  diyaar ayaan u ahay waana soo dhaweynayaa”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xalay ka qeybgelayay Barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Shariif oo ay su’aalo weydiinayeen dad badan oo ka dhegeysanayay Dalka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa ayaa waxaa ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay waxa uu yeelayo haddii uu shaqeyn waayay heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka isla markaana ay bixi waayaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in markaas aysan jirin waddo kale oo u furan oo aan ahayn in uu u dagaallamo sidii dalka Soomaaliya loo xoreyn lahaa.

“Laakin waxaan aaminsanahay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ku baxayaan heshiiskan waayo waxaa jira macluumaad badan oo aan ognahay”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu badan shacabka Soomaaliyeed in ay la dhaqangeliyaan heshiiskii ay soo galeen oo ah in xabadda la joojiyo, si ay Ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Shiikh Shariif in ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiin badan oo ka tirsna Midowga Maxkamadaha Islaamka oo gudaha dalka ku sugnaa, sidoo kalena ay xiriirola sameeyeen kuwo kale oo dalka dibaddiisa ku sugan, wuxuuna rajo ka muujiyay in xal laga gaari doono khilaafaadka jira oo uu sheegay in uu yahay mid siyaasi ah.

“Haddii aan u dagaallameynay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, hadda taasi waan gaarnay, waxaana loo baahan yahay hadda kadib in la wada hadlo oo laga shaqeeyo sidii ay dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen oo aayahooda uga tashan lahaayeen”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in wada hadal wax lagu xaliyo, bacdamaa ay shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan ku jiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia