Isniin,
“Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka waa in ay Taageero Dhaqaale ku bixiyaan sidii Soomaaliya loogu diri lahaa Ciidamo nabad-ilaaliyayaal ah oo aan dib loo dhigin” ayuu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamada laga sugayo beesha Caalamka ay yihiin kuwo la doonayo in lagu bedelo Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga, wuxuuna sheegay in ay taasi ku jirtay heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Haddii Ciidamada laga sugayo UN-ka ay dib u dhacaan waxaa uu ka digay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde inay xaaladda Dalka Soomaaliya ka sii dari doonto, wuxuuna ku cel celiyay codsigiisa ku aadan in Ciidamadaas si deg deg ah loo geeyo Soomaaliya.
Heshiiskii ay dhinacayada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ku gaareen Dalka Jibouti ayaa waxaa qodobadiisa ku jiray mid dhigayay in muddo 120 maalmood gudahood lagu geeyo Soomaaliya Ciidamo ka socda UN-ka, kuwaasi oo marka la helo lagu bedeli doono Ciidamada Itoobiya ee haatan Soomaaliya ku sugan.
Xaaladda Ammaan ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay mid sii xumaaneysa, waxaana maalin iyo habeen kasta ka dhaca dilal loo geysanayo dad aan waxba galabsan, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee Muqdisho marxuum Cusmaan Cali Axmed, iyadoo sidoo kalena ay magaalada ka dhacaan iska hor-imaadyo iyo qaraxyo lala beegsado Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia