Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo ku dagaalamay Degmada Shibis

Isniin, July 07, 2008(HOL): Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada dagaallamay ayaa waxay isugu jireen Ciidamadii Degmada Shibis kuwo kale weerar ku soo qaaday, waxaana la sheegay in Ciidamada weerarka soo qaaday ay ahaayeen kuwo qaab beeleed  isu soo abaabulay.

Ciidamada weerarka ku qaaday Xarunta Degmada Shibis ayaa waxay ka careysnaayeen weerar dorraad ay Ciidamada Degmadaas ku qaadeen Ciidamo kale oo gudaha Degmadaas falal dhac ah ka geysanayay, kuwaasi oo mid ka mid ah uu ku dhintay is-rasaaseyn labada ciidan dhexmartay.

Iska hor-imaadkii maanta ka dhacay Degmada Shibis ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa Ciidamadii hab beeleedka u abaabulnaa ee weerarka soo qaaday Xarunta Degmada Shibis, iyadoo la aan soo sheegin khasaare kale oo halkaas ka dhacay.

Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala dhexgalay Ciidamadii dagaallamayay, waxaana lagu guuleystay in fariisinkoodii lagu celiyo Ciidamadii weerarka soo qaaday.

Iska hor-imaadka maanta ka dhacay Degmada Shibis ayaa wuxuu la yaab ku noqday Dadka ku dhaqan Degmadaas oo ay u ahayd markii ugu horeysay oo ay arkaan Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo hadana uu u dhaxeeyo dagaal fool ka fool ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia