Isniin, July 07, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in uu maanta halkaas dagaal ku dhexmaray Ciidamo ku sugan Bar Koontarool oo ku taala Degmadaas iyo ilaalo la socotay Gaadiid Raashin mucaawino ah waday, waxaana iska hor-imaadka labada ciidan dhexmaray ku geeriyooday labo ruux oo midkood uu ahaa darawal kaxeynayay gaari raashin uu ku rarnaa.
Iska hor-imaadka ayaa wuxuu yimid kadib markii uu is-af-garan waa dhexmaray Ciidamadii Barta Koontarool joogay oo Degmada Wanla-weyn hoos-taga iyo Ilaaladii la socotay Gaadiidka Mucaawinada waday oo iyaguna hoos-taga Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in raashinkaas oo ay wadday Hay’adda WFP uu ku sii jeeday Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool.
Wararku waxay intaas ku darayaan in maamulka Degmada Wanla-weyn ay haatan ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen iska hor-imaadka dhexmaray Ciidamada Degmada jooga iyo ilaalada raashinka galbineysay.
Wadada isku xirta Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay ayaa in muddo ah wuxuu ku safarkeeda ahaa mid khatar ah, waxaana xitaa ka jiray iska hor-imaadyo dhexmaray Ciidamo Boolis ah oo taabacsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kuwo Mileteri ah, kuwaasi oo dhamaantood ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa shalay in Ciidamo Boolis ah oo maamulkooda ka amar qaata ay soo weerareen Ciidamo Mileteri ah oo ka tirsan Guutada 17aad ee Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in Ciidamadooda laga dilay labo askari.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia