Isniin, July 07, 2008(HOL): Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh Xerada Jante-kuudisho ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu jiro dhaq dhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka oo doonaya sida wararku sheegayaan in ay isaga tagaan Xerada ay hada degan yihiin.
Warku waxaa uu intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanku doonayaa in ay saldhig ka dhigtaan deegaanka Kala-beyr ama halka lagu magacaabo (Qolad) si markaa ay biyo uga helaan Tuulada Ceel-gaal oo qiyaastii 13km dhinaca W/bari kaga beegan Magaalada Beleweyne.
Dadka iyagu ku dhaqan aga-gaarka Xerada ay degan yihiin ee Ciidamada ee Jante-kuudisho ayaa sheegaya in Xalay uu jiray dhaq-dhaqaaq aad u weyn oo ay Ciidamadu Alaabahooda uga xir xiranayeen Jante-kuudisho waxaan ay intaa ku dareen dadka ay la kulantay HOL in laga yaabo saacadaha soo socda in qaar ka mid ah Ciidamadu ka dhaqaaqaan halka Xaruta u ah.
Lakiin marka arinta dhinac kale laga eego ma'aha wax sahlan in mar kaliya Ciidamadu Itoobiyaanku baneeyaan Jate-kuudisho oo ah barkoontarool oo ay Ciidamadu siweyn ugala socdaan dhaq-dhaqaaqyada gadiidka gudaha ugalay Magaalada Beledweyne iyada oo waliba xiligan ay jirto xiisada adag oo u dhaxeysa iyaga iyo Xoogagga ay is hayaan ee Maxmadaha Islaamiga.
Dhinaca kale mas'uul saakay u hadlay Maxkamadaha Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa mar kaliya ku celiyay in lala dagaalamo Ciidamada Itoobiya iyo sida uu hadalka u dhigay kooxaha shareeco diidka ah ee la shaqeeya.
Shiikh Cismaan Labaatan Jirow waxaa uu intaa ku daray in marnaba aysan ka yeeli doonin waxa uu ku tilmaamay Ciidamada Cadawga in sidii hore oo kale ay isaga dhax mushaxaan gudaha shacabka islamarkaana ay la dagaalami doonaan hadii ay soo galaan gudaha Magaalada.
Hase ahaateen Shiikhu marnaba sooma hadal qaadin sida ay dhinacooda u arkaan barakaca dadka rayidka, lakiin waxaa uu carabka ku dhuftay in looga baahan yahay dadka rayidka ah in ay is bar bartaagaan walaalahood u taagan difaaca diinta iyo dalka simarkaa meel looga soo wada jeesto sida uu hadalka u dhigay Cadawga soo duulay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxaa ka jira in Ciidamada Itoobiyaanku qorsheynayaan in ay ka guuraan Xerada Jante-kuudisho?
More News
- RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka waa in ay Taageero Dhaqaale ku bixiyaan sidii Soomaaliya loogu diri lahaa Ciidamo nabad-ilaaliyayaal ah oo bedela kuwa Itoobiya”
- Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirrada Mudaharaadka)
- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo ku dagaalamay Degmada Shibis
- Dadweyne ka Cabanaya is-daba-marin lagu sameeyay Cunto loo qeybin lahaa Dadka soo barakacay oo mudaharaad ka sameeyay Magaalada Boosaaso
- Dagaal ka dhacay Degmada Wanla-Weyn
- Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha cambaareysay dilalka iyo Af-duubka loo geysanayo Dadka Samafalka u haya Shacabka Soomaaliyeed
- Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee Muqdisho oo la dilay