Isniin, July 07, 2008(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay si kulul u cambaareysay kooxihii ka dambeeyay fal dil ah oo xalay loo geystay Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.
Madaxa baarista Xad-gudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanha C/llaahi Calas Jimcaale ayaa sheegay in Xaruntooda ay si weyn uga murugeysan tahay dilka iyo af-duubka loo geysanayo dadka bulshada u qidmeynaya.
“Dilalka loo geysanayo Dadka bulshada u adeegaya ee samafalka wada, haddii ay sii socdaan waxaa hubanti ah in la weyn doono dadka bulshada indhaha u ah, sidaas darteed waxaan codsaneynaa in laga shaqeeyo sidii arrimahaas looga hortegi lahaa”ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale.
C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in falalka dilka iyo af-duubka ah ee ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ka dhan ah Shareecada Islaamka, Dhaqanka Soomaalida iyo Xeerarka Caalamiga ah ee la isla wada aqoon yahay.
“Waxaan ku baaqeynaa in ay Dadka Soomaaliyeed noqdaan kuwo nabadeed oo xuquuqdooda ilaashada, isla markaana ka hor-taga wax kasta oo xadgudub ah”ayuu mar kael yiri C/llaahi Calas Jimcaale oo ku cel celiyay in haddii ay sii socdaan xadgudubyada ceynkan oo kale ah ay dabar go’i doonaan dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia