Dadweyne ka Cabanaya is-daba-marin lagu sameeyay Cunto loo qeybin lahaa Dadka soo barakacay oo mudaharaad ka sameeyay Magaalada Boosaaso

Isniin, July 07, 2008(HOL): Kumanaan ka Tirsan Shacab-weynaha soo barakacay ee ku nool xeryaha Qaxootiga Magaalada Bosaaso ayaa Maanta isugu soo baxay Wadooyinka waa wyan ee Magaalada,kuwaasi oo ka Mudaharaadyay is-daba-marin lagu sameeyay cuntooyin loo qaybin lahaa dadka soo barakacay ee ku dhaqan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala duleedka Magaalada Bosaaso.

Bannaanbaxayaasha oo watay Boorar ay kaga soo horjeedaan arintaasi ayaa markii danbe isugu yimid Afka Hore ee Guriga Gobolka ee Magaalada Boosaaso ,waxaana halkaasi khudbada ugu jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo ku qanciyay Banaanbaxayasha in xaaladda ay dajiyaan si arintaas Baaritaan loogu sameeyo.

Dadkaan Mudaharaadayay ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole in loo soo si idaayo Guddoomiyahooda oo laga xiray xiligii ay bilaabayeen bannaanbaxan , waxaana mudahraadayaasha ay ka socdeen Kaamka GarGaar oo horay uga mid ahaan jiray Kaam Shabeelle oo ku yaala duleedka Magaalada Bosaaso.

Mudaharadayaasha kuma koobna Cabashooda Cunto la is-daba mariyay oo kaliya , balse arintaasi waxaa u sii dheer ascaarta oo la fuushay meel aysan gaari karaynin.

Horay ayey ahayd markii Mudaharaadyo caynkaan oo kale ah ay uga dhaceen Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo looga soo horjeeda ascaarta iyo Gaajada ka jirta Xeryaha ay ku noolyihiin dadka soo Barakacay.

Dhibaatada haysata dadka soo barakacay ee ku dhaqan Xeryaha Qaxootgia ayaa noqatay mid laga akhrisan karayo noloshooda Marka aad booqoto Goobaha ay daganyihiin ee ku yaala Magaalada Bosaaso.

Inkastoo Maamulka Gobolka Bari uu Geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii wax loogu qaban lahaa dadka soo barakacay ayaa hadana Cuntada dadkan la siinayo aysan ahayn mid ku fulin noloshood.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia