Naadiga Hal-Abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed oo qabtay Seminaar looga hadlayay dhibaatooyinka heysta Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa


Khamiis, July 03, 2008(HOL): Seminaar hal maalin ah oo uu soo qaban qaabiyay Naadiga Hal-abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo ujeedada loo qabtay ay ahayd sidii la isugu keeni lahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana loo ogaan lahaa dhibaatada ay qabaan ayaa furitaankiisii ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka  mid ahaayeen C/llaahi Maxamed Shirwac, Maryan Xuseen Maxamed Awreeye, Prof. Ciise Maxamed iyo C/risaaq Yuusuf Cali Bah-laawi, waxayna dhammaantood sheegeen in ay garab taagan yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed, inkatsoo ay Fannaaniinta ugu baaqeen in ay mar kale la yimaadaan Midnimo iyo Afkaar cad oo ay ku soo bandhigayaan dhibaatada ay qabaan.

Intaas kadib waxaa bilowday Seminaarkii, waxaana loo bandhigay Fannaaniinta su’aalo jawaabo looga doonayay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, dhibataada heysata Fanka Soomaaliyeed iyo wixi keenay in ay Fannaaniinta la aamusaan codkooda.

Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa wuxuu sheegay in burburka dalka ku dhacay ay Fannaaniinta dhinacooda ka qabaan, wuxuuna sheegay in ay qabaan dhibaatooyin daryeel la’aani ay kow ka tahay, mar uu ka hadlayay waxa ay la aamuseen-na wuxuu sheegay in ay qabaan cabsi la mid ah tan ay qabaan dad badan oo codkooda la aamusay kadib markii ay natooda u baqeen.

Laakin waxaa dood midaas ka duwan goobta ka jeedisay Sahra Ileeye oo ah Xaaskii uu ka geeriyooday Axmed Nuur Jaangow, waxayna sheegtay in aysan jirin cabsi ay Fannaaniinta qabaan, balse waxay ka dhawaajisay in aaney cid ku garab qabata in ay codkooda dibadda soo dhigaan.

Waxaa doodda dhextaal ahaan u soo dhexgalay Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo ka mid ah Macallimiintii Jaamcadda Umadda Soomaaliyeed, isla markaana lagu casuumay furitaankii Seminaarka wuxuuna sheegay Professor-ku in Fannaaniinta ay yihiin kuwo leh awood ay wax ku kicin karaan, waxna ku dejin karaan, “idinka ayaa dadka tusiyay in dhibaato jirtay xiligii aad ka hor-imaaneysay Dowladdii hore, sidoo kalena hadda waad sheegi kartaan, kana hadli kartaan dhibaatada jirta”ayuu yiri Prof. Ciise Maxamed Siyaad.

Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha  ayaa iyadana hadalkii qaadatay waxayna sheegtay in Fannaaniinta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gacan-siin weyn, waxayna soo jeedisay in la qabto kulamo kale oo Fannaaniinta la isugu keenayo si ay u sameytaan Dallad ay ku mideysan yihiin, iyadoo markaas kadibna xustay in Fannaaniinta loo sameyn karo Sanduuq dhaqaale oo laga daweeyo midkii xanuunsada, isla markana laga duugo midkii dhinta.

Intaas dabadeed waxaa Fannaaniinta loo bandhigay su’aal kale oo ahayd in ay leeyihiin Urur ay ku mideysan yihiin guud ahaan Fannaaniinta, waxaana su’aashaas ka jawaabay Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan oo sheegay in uusan gebi ahaanba jirin Urur ay ku mideysan yihiin Fannaaniinta, inkastoo uu xusay in sanadkii 1993-kii ay mar sameeyeen Urur la magac baxay Saha, kaasi oo uu guddoomiye ka haa Cabdi Muxumed Amiin, isla markaana uu Guddoomiye ku xigeenka ahaa Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Cali Kaariye.

Su’aal kale oo taas daba-taalay ayaa waxay ahayd in uu hadana jiro urur ay ku mideysan yihiin Muusikiistayaasha Soomaaliyeed, waxayna marka kale ku jawaabeen Fannaaniinta in uusan jirin Ururkaas.

Guntii iyo gebagebadii waxaa Seminaarkii maanta loo qabtay Fannaaniinta Soomaaliyeed ka soo baxday in loo baahan yahay in la sameeyo Urur ay ku mideysan yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa, iyadoo qodobkaasina ay si buuxda isugu waafaqeen Fannaaniintii Seminaarka loo qabtay.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia